Wednesday, April 23rd, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

DHAGEYSO Xildhibaan Yuusuf Xasan oo Shaaca Ka Qaaday War Farxad Galiyay Soomaalida Ku Dhaqan Kenya+ Sawiro

Aqrisatay:1671

Xildhibaanka laga soo doorto degmada Kamkunji ee Magaalada Nairobi oo ay kamid tahay Xaafadda ay Soomaalida dagantahay ee Islii Mudane Yuusuf Xasan Cabdi ayaa ka hadlay dhaawicii kasoo gaaray Qaraxii Masaajidka.

Yuusuf Xasan Wuxuu kamid ahaa dadkii lagu qarxiyay Masaajidka Al-hidaaya ee Xaafadda Islii Khamiistii lasoo dhaafay, wuxuuna iminka ku jiraa Hosbitaal ku yaala Magaalada Nairobi.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in uu aad u wanaagsanyahay, wuxuuna ka sheekeeyay qaabkii ay wax u dheceen iyo sida uu u dhaawacmay.

Waxaa uu sheegay Xildhibaanka in Caafimaadkiisa uu wanaagsanyahay, balse uu Lugaha ka Jabay, wuxuuse Caafimaad ahaan sheegay inuu aad u wanaagsanyahay.

“ Labada lugood waxaa iigu daran Lugta Midigta oo aan si daran uga dhaawacmay ‘ ayuu yiri Xildhibaanka oo u waramayay Wariyaha Idaacadda VOA Maryan Qalanjo.


Dhanka Kale Xildhibaan Yuusuf Xasan ayaa sheegay inuusan ka tanaasulin musharxnimadiisii aheyd inuu u tartamayo mar kale xildhibaannimada degmada Kamakunji uuna qaban doono wax ka badan waxii uu horey uqabtay.

Ugu Danbeyn Xildhibaanka ayaa sheegay in ay kasoo reyneyso xaaladiisa caafimaad, oo uu rajo weyn ka qabo dhawaan inuu dhaawacan ka kaco.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Horyaalmedia.com

Nairobi-Kenya
Horyaalmedia@live.com

 

Share
  • Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media