Xasan Daahir Oo Isku Dhiibay DKMG Ah Kuna Sugan Xarunta Madaxtooyada Vila Somaliya:

Aqrisatay:1540

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka soo xiganay ilo ku sugan xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa sheegaya in Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka tirsan saraakiisha ururka Al-Shabaab uu isku dhiibay Dowladda KMG ah, isla markaana xarunta haatan uu ku sugan yahay xarunta madaxtooyada Villa Somalia.

Wararku waxay intaasi raacinayaan in hoggaamiyihii ururka Xisbul Islaam uu dhowaan shaaca ka qaado isbedelka ku yimid mowqifkiisii taageero Shabaabka ahaa ee magaalada Muqdisho geliyay burburka aan horay loo arag, isla markaana uu ka door bido xilligaan inuu dhinaca Dowladda u soo wareego.

Madax ka tirsan Dowladda KMG ah oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa iminka kulamo kula qaadanaya Sheekh Xasan Daahir oo wata 14-gaari oo isugu jira kuwa raaxada iyo kuwa dagaalka iyo waliba maleeshiyaad fara badan oo ku hubeysan qoryaha boobayaasha ah.

Dhinaca kale wararka ayaa sheegaya in isbedelka ku yimid hoggaamiyihii ururkii burburay ee Xisbul Islaam uu keenay kaddib markii ilaaladiisa ay galeen go’doon degaanno ku dhow ceelasha Biyaha halkaasi oo dhowaan ay la wareegeen ciidamada Dowladda KMG ah oo gacanta ku dhigay ilaa Degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Xasan Daahir Aweys oo ka mid ahaa asaasayaashii Maxkamadaha Islaamiga ah ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Shariif Sh. Axmed markii ay burbureen Maxkamadaha la saftay ururka Al-Shabaab, isagoo horseed ka ahaa dagaalkii burburiyay magaalada Muqdisho isla markaana barakiciyay inta badan dadkii degenaa magaalada Muqdisho oo hoy u noqday geedaha iyo howdka ku teedsan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood.

 

Xigasho Radiomaanta:

Warar Xaqiiqaa Kala Soco Warbaahinta Horyaalmedia Isha Wararka:
Horyaalmedia@gmail.com
Www.horyaalmedioa.com

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (1)

    1. Shine says:

      Kkkkkkk waxa ceb iyo fajac ah dhibka dhalintii somaliyed haysta oo ah in ay odayasha fadhiku dirirkoda intta dhegaystan hadana caqligabka kusii jaha wareriyan wayo waxaa jira kuwa webkan warka ku qoraya kuwa kasii lita dhanka xogta marka siyasad ahan hadii la waydiyo yaa xamar dumiyay ma xasan dahir mase cabtain bahuku aya dumiyay ilmah meshan ku qoray xasan ayaa dumiyay wa afhayen buhuku o lakin an aqonsi iyo mushar lahen teda kale xasan iyo sharif isma haystan e waxa is hayay xasan iyo dowladaha galbedka hadana wa heshiyen xasanaa dad qaxshay dadku maxay ku qaxen aake ayu haysta xasan sababta lo qaxay ma fahmi kartan mase mase hoyadin ayad kalamitin howsha socota weriye mar i dhaha ayad ku walaten




Barnaamijyada Horyaal Media