Wednesday, April 16th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Xaflad Loogu Magac Daray Kwani litfest Oo Nairobi Ka Dhacday(Sawiro)

Aqrisatay:1091

Waxaa maanta ka dhacay hool weyn oo ku yaala xaafada wesland ee Magaalada Nairobi xaflad aay si wada jir ah usoo qaban qaabiyeen dhalinta waayaha cusub iyo Kwani litfest xaflada ayaa waxay ahayd mid si aad uqurux badan loo soo agaasimay islamarkaana ay ka soo qaybgaleen dadwayne aad u faro badan iyo waliba marti sharaf isugu jirtay soomaali iyo ajaanib.


ugu horeyn xaflada waxaa ka hadlay  Warsan Shire oo ah gabar Soomaaliyeed, oo gabayada ku tirisa luuqada ingariiska,Warsan ayaa dadki halkaasi ka soo qeeb galay   ee soomaalida iyo ajaanibtuba ahaa  su,aalo ay waydiiyeen ugu jawaabtay ayado dadki ka qeeb galay xaflada aad ula dhaceen su,aalaha aay ka jawaabtay warsan  Shire.

Dhinaca kale waxaa halkaasi lagu soo bandhigay buugag ka tarjumaya gabayo iyo qormooyin iyo  mowduuc ku saabsan naqdinta suugaanta.
Sido kale waxaa ka socanayay hoolka weyn poeri Palace ee xaafada islii Barnaamiski loogu magac daray Kwani litfest oo dhalinta waayaha cusub  open mic ku siinayeen ama dheeri galin dhalinyarada doonaya in aay fanka ku soo biiran.

si kastaba ha ahaate barnaamiskaasi loogu magac daray Kwani litfest ayaa galay maalinti labaad ayadoo xusid mudan tahay in maalinta berito ah Hoolka weyn ee Carmal ee xaafada islii ka dhaci doonto xaflad nuucaan oo kala ah oo uu ka soo qeeb geli doono abwaanka weyn ee Soomaaliyeed, hadraawi.

Nuuur Ismail  Sheikh

E-mail  nuur.usa@hotmail.com
Nairobi Kenya
Share
  • Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media