Xaflad Casho Ra,iisulwsaraare Gaas Ku qabtay Nairobi oo Fashil Ku dhamaatay
Aqrisatay:775
C/wali gaas ayaa xubno kamid ah ganacsatada Beeshiisa ee Nairobi kulan casho Sharaf ah kula qaatay Hoteelka Grand Regencey eeMagalada Nairobi ,isgoona kala hadlay ganacsatada wax yaabo badan oo ay ka midyihiin u diyaar garowga doorashada,madaama tartanka madaxtinimada dalka ay fooda nasoo gelisay.
Gaas ayaa eedeyn ujeediyay wadamada iyo shaqsiyaadka loosoo dhiibo deeqaha loogu talagay Somaliya ee uusheegay in lagu cuno dalka Kenya oo dad aan Somali aheyn ay qaataan qarashadka loo qoon deeyo Shacabka somaliyeed.
Balse dadka ka soo qeeb galay xaflada ayaay la yaab ku noqtay, edeynta xiligaani Ra,iisulwsaare gaas u soo jeediyay beesha caalamka walow horay u amaani jiray.
Kulanka uu Gaas laqaatay ganacsatada Beeshiisa ayaa waxaa ku wehliyay wasiiro ka tirsan xukuumadiisa oo ay ugu horeeyaan Wasiirada Ganacsiga,dastuurka, qorsheyntacaalamiga ah iyo shaqsiyaad kale oo fara ku taris ah oo ka baxsan beeshiisa.
Ka qeeb galayaasha xaflada, ayaa marki hore lagu war galiyay in aay casho sharaftaasi soo agaasimeen ganacastada beesha balse marki danbe ka war helay in uu gaas dhaqaalaha ku baxaya casha sharaftaasi jeebkiisa ka baxiyay.
Si kastaba ha ahaate xafalada cashada ah ayaa u muuqatay mid Ra,iisulwsare C/weli gaas uu ku muujinayo Musharaxnimadiisa bisha aan ku guda jirno ee agost.






















