Xaalada Degmada Afgooye Oo Dagan Iyo Ciidamada Amisom Iyo Kuwa Dowlada Oo Labo Wado U Dhaqaaqay:
Aqrisatay:609
Wararka Naga Soo Gaarayo Degmada afgooye ayaa xaqiijinaayo Maanta ay Tahay Mid Dagan,Waxaana La Arkayaa Ciidamada Amisom Iyo Kuwa dowlada Taagan Wadooyinka Degmada wadana Baaritaano.
Degmada Afgooye ayaa Habeenkii Xalay ahayd bandow Iyadoo Baadi Goob Ugu Jiray Inay Ku Dhuumalay sanayaan Guryaha Qaar kooxda Al-Shabaab, Waxaana saakay Ciidamada Dowlada ay isku balaariyeen Wadada ka timaada Wanla Weyn iyo Wadada Aada Magalaad Marka Iyo kan L/50.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa u Ruqaansaday wadooyinkaas, Waxayna haatan isku balaariyeen Wadada dheerta ah, taasi oo sahashay in ay la Wareegaan halkaas, maadaama ay ka galeen dhinaca Howdka ah.
Sidoo kale waxaa Saakay halkaas ka socda gaar ahaan Deegaanada loo barakacay, baaritaan ay wadaan Ciidamo Boolis iyo kuwa Nabadsugida, Waxayna baarayaan dadka Gaadiidka iyo Guryaha ku yaala halkaas Ku Sugan.
Shacabka Weli Ku Harsan Deegaanka Ceelasha Biyaha Ayaa Waxay Ka Cabanayaan Ciidamada Dowlada Oo Dadka Qaar Ku Bar Tilmaameedsanaya Sunada Ka Muuqata, Waxaan Jira Dad Arinkaa Loo Xir Xiray Sida Warbaahinta Horyaalmedia U Xajiyay Mid Ka Mid ah Dadka Weli Ku Harsan Degaanka Ceelasha Biyaha.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in degmada is bedel badan ka jiro, waxay indhahooda saareen gawaari taangiyo ah oo magaalada sii dhex maraya, kuwaasoo saldhigyo ka sameysanaya duleedka.
Warar Xaqiiqaa Kala Soco Warbaahinta Horyaalmedia IOsha Wararka:
Horyaalmedia@gmail.com
Www.horyaalmedia.com






















