Saturday, April 19th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Xaabsade oo Ku Baaqay in Lala Xisaabtamo Dowlada France

Aqrisatay:1811

Mid ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay weerar ciidamada dowalda France ku qaadeen fariisin ciidamada Alshabaab ku lahaayeen deegaanka Buulo Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Maxamed Ibraahin Xaabsade oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya kana tirsan gudiga difaaca baarlamaanka dalka oo ka hadlay weerar fashilmay oo ciidamada Faransa ku qaadeen deegaanka Buulo mareer ayaa sheegay in dowlada France waajib tahay in lala xisaabtamo.

Wasiirka gaashaandhiga oo saacado ka hor ka hadlay weerarkii Buulo mareer ayaa sheegay in xukuumada aad kaga xun tahay arintaasi,iyadoo golaha wasiirada kulan ay isugu yimaadeen ay ku sheegeen inay ka xun yihiin.

Dowlada maraykanka ayaa sheegtay inay Faransiiska ka gacan siiyeen weerarkii fashilmay ee ka dhacay deegaanka Buulo Mareer.

Xildhibaan Xaabsade ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay iyadoo laga fakarayo kaliya Dannis Allex ,muwaadin badan oo Soomaali ah loo baabi’iyo.

Email: Horyaalmedia@live.com

Share
  • Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media