Wiil Miino Ku Aasayay Muqdisho oo Ay Isaga La Qaraxday + SAWIR
Aqrisatay:2471
Maamulka Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaandir ayaa Saxaafada Muqdisho u soo bandhigay Meydka wiil dhalinyaro ah oo doonayay inuu miino ku aaso isgoyska Sance Balse ay miinadii isga la qaraxday.
Meydka Wiilkaan yar ee miinadu la qaraxday ayaa jirkiisa waxa uu noqday mid Go’ go’ay iyadoona shacabka ku nool Sance ay xaqiijiyeen in dhibaatadii uu shacabka u maleegayay ay isaga ku dhacdau.
Wiilkaan ayaa dadkii soo arkay waxa ay da’diisa ku sheegeen 19-20, sidoo Kale Gudoomiyaha Degmada Kaaraan ayaa hoosta ka xariiqay in qofkii rabo inuu dhibaateeyo shacabka ay isaga dhibaatada ku dhici doonto.
Kooxda Shabaab ee laga xoreeyay Magaalada Muqdisho ayaa inta badan miinooyinka ku aasa Magaalada Muqdisho iyadoona muqdisho ay Maanta tahay Caasimada Nadab ah islamarkaana amaankeedu uu yahay mid la isku haleyn karo.
Share






















