Friday, April 18th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Weeraro Ay Ku Dhinteen dad Badan oo Ka Dhacay Dalka Pakistan

Aqrisatay:1671

pakistan1In ka badan boqol qof ayaa lagu dilay qaar kale oo badanna waa lagu dhaawacay weerarro bambooyin oo ka dhacay dalka Pakistan.
Dhimashada ugu badan ayaa ka dhacday laba weerar oo lagu qaaday meel aad loo buuxo oo kalaab ah oo dadku isugu yimaadaan oo ku taal magaalada dhinaca koonfur galbeed ee Quetta.
Dhawr shaqaalaha gargaarka iyo weriayayaal halkaasi ku orday markiiba uu qaraxa koowaad dhacay ayaa lagu dilay qarax labaad oo ka dhacay halkaasi, kaasi oo sababay inuu soo dumo dhismihii ku yaalay meesha.
Inta badan dadka ay dhibaatadu soo gaartay waxaa la aaminsan yahay inay yihiin muslimiinta Shiicada.
Koox mintid ah oo la yiraahdo, (Lashkar-e-Jhangvi,) ayaa sheegtay inay qaadday weerarka.
Weerar kale oo isna ka dhacay suuqa magaalada Quetta ayaa lagu dilay 11 qof.
Meel kale, waxaa iyana ku dhintay in ka badan labaatan qof, markii qarax uu ka dhacay goob diimeed oo dadku isugu yimid gobolka Swat.

Xuquuqda Warkaan Waxa Iska Leh BBC-da

Horyaalmedia@live.com

Share
  • Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media