Wax Qabadka Xukumada Tayo Iyo Boqolki Malmood (Warbixin)?
Aqrisatay:521
Waxaa aan ku eegaynaa maqaalkaani xukumadi tayo iyo wax qabadkeedi olalahi,boqolka maalmood iyo sida aay shacabka u kasbatay .
Farmaajo waxa uu xilka qabtay R/wasaarenimo Oktoobar 2010 , waxa uu soo dhisay Golle wasiiro oo tiro yar tayo-na leh.
xukuumadi uu Farmaajo R/wasaaraha ka ahaa waxay ay biloowday inay si dhaba u dardar galiso la dagaalanka Al shabaab iyada oo xiligaas goobo muhiima laga qabsaday Shabaab , Waxay u dhaqaaqday Ilaalinta hantida qaranka Soomaaliyeed , Ka fogaanshaha in xalka Soomaaliya cid kale loo hoos joogo , ku dhaqaaqida Raadinta qaranimada iyo karaamada Soomaaliya .
Farmaajo Mudadi uu xilka haayay waxaa uu dib usoo nooleyay adeegyadi aas aasiga ahaa sida in aay dib u dhisto ciidamada qalabga sida oo mudo 21 sananood ah aan shaqeyn.
Waxaa aay xukumada R/wasaaraha hore ee Farmaajo xilgaasi madaxda ka ahaa la dagaalantay oo aay beri ka noqatay , maasumaasuqa kana hor tagtay mudadi aay dhisneed.
Hadaba Mudaadi xukumada Tayo dhisneed, wax qabadkeedi ma ahan mid lagu soo koobi karo hal maqaal iyo laba balse waxaa aan ugu tala galnay xasuus gaaban in aan usoo gudbino Soomaalida jecel qaranimada iyo nabada.
By Nuur Ismail Sheikh






















