Monday, April 21st, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Wariye C/casiis Koronto oo Maxkamadiisii Markale dib loo dhigay

Aqrisatay:1221

Maxkamadda Wariye C/casiis Koronto iyo 4 qof oo kale oo loo heysto in ay baahiyeen Kufsi la sheegay in Ciidamada Booliska ay u geysteen Haweeney Barakacayaasha kamid ah oo maanta markale la dhageystay ayaa dib loo dhigay kadib markii qareenadii wariyaha u doodayay ay codsadeen.

5-ta bishaan ayaa markale dib loo dhageysan doonaa dacwadda Wariyaha, waxaana sidaasi codsaday Qareenadiisa, inta laga gaarayo waqtigaasna wariyaha Xabsi ayuu kusii jiri doonaa.

Wariye C/casiis Koronto ayey Ciidamada Booliska ku eedeeyeen in uu ku lug lahaa Faafinta wararka Kufsiga Haweentaas oo ay ku tilmaameen in uu been ahaa.

Website-ka Al-Jazeera ayaa lagu daabacay warka sheegaya in Haweeney kamid ah Barakacayaasha ay kufsadeen ciidamada Booliska.

Wariyaha ayaa weli ku xiran Xabsiga Magaalada Muqdisho.

Share
  • One Response to Wariye C/casiis Koronto oo Maxkamadiisii Markale dib loo dhigay

    1. sihaam says:

      ciidamada doowlad wadado mahan balayo ha qaadee maxaa naagaha u kufsadaan ilahay ayaaa xisaabaa qaf walbo

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media