Thursday, April 24th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Waris Diiriye oo ku baaqday in la joojiyo Kufsiga loogeysto Haweenka Somaliyeed

Aqrisatay:2141

Waris DiiriyeWaris Diiriye oo ah haweyney Somaliyeed kuna caan baxday Xayeysiinta Dharka ayaa waxay sheegtay inay ka codsaneyso laamaha amaanka inay damaanad qaadaan amniga Haweenka Somaliyeed si looga hortago dadka caadeystay Kufisga loogeysto Gabdhaha iyo hooyooyinka Somaliyeed.

Waris oo xubin ka ah Midowga Africa horena xubin kaga soo noqotay Qaramada Midoobey ayaa waxay aad uga xumaatay kufsiga ku batay Somaliya ee lagula kaco haweenka Somaliyeed.


Mrs Diiriye ayaa waxay tibaaxday inay murugootay markii ay maqasho haween somaliyeed ayaa la fara-xumeeyey iyadoo la ogyahay film ay jishay Waris uu noqday mid caalamka si weyn utaabtay.


Sidoo kale waxay codsatay mrs Waris in lasii daayo Wariye C/casiis C/nuur Ibraahim (Koronto) oo dawlada ay dhawaan ku xukuntay hal sano oo xabsi ah markii ay ku eedeysay in si khaldan sharafta ciidanka booliska uu uga dhacay.


Waris Diiriye ayaa waxay gudoomiye ka tahay Urur udooda Haweenka iyo xadgudubyada loogeysto kaasi oo lagu magacaabo Waris Foundation waxaana ay cod dheer ku dalbatay joojinta tacadiyada loogeysto Haweenka Somaliyeed.

Share
  • Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media