WARGELIN-SAXAAFADEED MUHIIM AH — SOJASA
Aqrisatay:503Dabbaaldagga Sanadguuradii 5aad Ee Aas-aaska Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed Ee Koonfur Afrika (SOJASA)
*Somali Journalist Association of South Africa*
Mudane/Marwo : Waxaa Dhammaan Bulshoweynta Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koonfur Afrika, la ogaysiinayaa in la qaban doono Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayo 5-sano guuradii kasoo wareegatay aas-aaska Ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee SOJASA.
Marka duruufaha nolosha ku hareereeyaan, Marka baaxadda dhibaatada ay kaa tan badato, Marka tallo kaa jahawareerto, Saaxiibka kaliya ee aad u baahan tahay waa Saxaafadda *War Ninkii Helaa, Tallo Wacan Hela*.
Hadaba Ka Bogo Waxqabadka Wadaniyadeed ee Bahda Suxufiyiinta SOJASA.
Munaasabadda Waxaa La Qaban Doonaa 22-June 2012 : Habeenka Jimcaha ee ay Sabtida soo galayso
Goobta Waa : Boston Hall oo ku yaalla Xaafadda Bellville – Cape Town, South Africa
Xilligu Waa : 6:00pm – 11:00pm
Wixii Faafaahin ah Ka Wac Telefoonada Kala ah :
0784293322 ama 0721277344
Mahadsanidiin























