Wafdi uu Horkacayo Madaxweyne Gurguurte oo u Duulay Turkiga
Aqrisatay:515
Wafdi heer Qaran ah uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka duulay Garoonka Magaalada Muqdisho , iyadoona Wafdigaan ay ku sii jeedaan dalka Turkiga.
Sidoo kale wafdigaan uu Hogaaminayo Madaxweynaha ayaa la filayaan inay la kulmaan Madaxda ugu sareeysa dalka turkiga si ay ugala hadlaan xaalada dalka Soomalaiya uu Marayo.
Inta Wafdigaan aysan ka duulin Muqdishoa ayaa waxa Warbaahinta ladashay Wasiirada Arimaha Dibada ee xukuumada Soomaaliya Fowsiyo Yuusuf Xaaji Adan oo ka mid ahayd wafdiga madaxweynaha ayaa sheegtay in casuumaad rasmi ah ay ka heleen dowlada Turkiga.
Wafidigaan ayaa sidoo kale waxa qeyb ka ahaa wasiirka arimaha dibada Soomaaliya, wasiirka gaashaandhiga,wasiirka maaliyada, iyo waliba masuuliyiin kale oo ka tirsan dowlada Soomaaliya.
Email: horyaalmedia@live.com
Share





















