Wadada Ex-Control Afooye Oo saakay Xiran Iyo Dhaq Dhaqaaq Ciidan Oo Halkaa Ka Jiro:

Aqrisatay:586

Waxaa maanta gabi ahaanba xaniban isku socdka gaadiidka iyo dadweynaha wadad dheer ee isku xirta magaalada Xamar iyo Afgooye, iyadoona maanta aanay jirin cid halkaasi mareso.

Saraakiisha ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa sheegay in wadada ay xireen ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya iyo waliba sidoo kale kuwa AMISOM, waxaana ay sheegeen in taasi ay ka dambeysay howlgalada ay wadaan ciidamada dowladda KMG ah.

Dhanka kale dadkii iyagu usoo shaqo tagi jiray magaalada Muqdisho ayaa waxay yihiin kuwo maanta aan soo dhaafin guryahooda, iyadoona saraakiisha ciidamada dowladda KMG ay sheegayaan in saacadaha soo aadan la furi doono halkaasi.

Si kastaba ha ahaatee tani ayaa waxay imaanaysaa xilli degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho ay ka soconaayaan dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya isla markaana garab ka helaaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhan ah.

Warar Xaqiiqaa Kala Soco Warbaahinta Horyaalmedia Isha Wararka:

Horyaalmedia@gmail.com

Www.horyaalmedia.com

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media