Ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika (SOJSA) oo ka tacsiyeeyay geerida wariye Buneyste

Aqrisatay:790
Ururka saxafiyiinta Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika (SOJSA) ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray wariye Maxamuud Cali Yare (Buneyste oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho, kadib marki ay haleeshay rasaas ciidamada dowladda KMG ah ay ku fureen dad rayid ah.
Gudoomiyaha Ururka SOJSA Cabdulaahi Ibraahim Dasar ayaa tacsi u diray ehelada wariyaha, waxaana uu Eebe kaga tuugaa inuu janadi firdowsa ka waraabiyo.
Sidoo kale gudoomiye xigeenka Ururka SOJSA Cali Axmed Xasan (Cali Baajac) ayaa isna umadda Soomaliyeed uga tacsiyeeyey geerida wariye Maxamuud Cali Yare (Buneyste) gaar ahaan saxaafadda Soomaalida.
Faarax Hiiraan oo ka mid ah madaxda Ururka ayaa wax laga xumaado ku tilaamay tacdiga loo geysanayo wariyaasha ka howlgala dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu dhankiisa ka tacsiyeynayo geerida wariye Buneyste.
Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media