Wednesday, April 16th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Sheeko kooban oo na dhexmaray Aniga iyo Wiil Xalay Xeebta Liido Kusoo Daahay

Aqrisatay:22369

Waa arin muhiim ah haddana su’aalo ay barbar socdaan,magaalada Muqdisho waxay umuuqataa mid kusii socota ,laakiin falal yaryar ay iska dhacaan.

Muhiimada waxay tahay amaanka isbedelka ka muuqda,iyo sida dadka ay u wada damaashadayaan,waxaana arinta farxada leh ay tahay sida wax ay isku badaleen.

Xeebta Liido markii aad tagto,waxaa durba aad dareemaysaa neecowda qabow ee xeebta,dadweyne wada qoslaya ,kuwo isla socda iyo kuwa aan isla socon intaba.

Liido isbedelka ugu weyn ee ka taagan ayaa ah in xiliga habeenkii lagu soo gaari karo ,sida ay uu sheegay wiilkaan dhalinyarada ah ee ka gaabsaday magaciisa.

“Xalay Liido ayaan joogay,ilaa afar saac ayaan kusoo gaaray ,dadka iga daran waxay i dhaheen aniga lix saac ayaan kusoo gaarayaa ,aniga waanba la yaabay,waxaa iiga sii daran waqtigaa magaalada dadka wey dhex socdeen,ciidamo ayaa i baaray oo kaliya IC Card i weydiiyay,kadiba gaarigayga baaray” ayuu ii sheegay wiilkaan.

“Waxaa iiga sii daran Maxamadow, baarka ku yaala Liido ayaan fariistay hal saac ,ilaa iyo Afar saac xitaa wax shaax ii keeno ayaan waayay,sababtoo dad badan ayaa joogay meesha,walaahi waxbaa iska badalay Liido,waxaa kaloo la yaab leh markaad tagto Liido kun qof oo aad taqaan ayaa ku salaamaya,Mashaa allah” ayuu ii sii raaciyay.

Waxaan isku dayo doonaa Inshaa allah inaan sawiro habeenkii ah kasoo qaadno Xeebka Wadankeena ee Liido.

 Xafiiska Wararka Horyaalmedia.com
Nairobi-Kenya
Horyaalmedia@live.com
Share
  • 4 Responses to Sheeko kooban oo na dhexmaray Aniga iyo Wiil Xalay Xeebta Liido Kusoo Daahay

    1. Cadaani says:

      Asc dhmn aqristayasha wbkan iyo dhmn aqyarta sharafta leh & mamulka wabsetkana mhdsndn mida kale waxa an jclhy inad kuso kordhisan halkani shekoyin faro bdn sida:- dhbta ah, kuwa mada iyo ciyarta, iyo sido kale barnamijyo diini ah iyo arimaha bulshada mhdsndn dhmn

    2. Ibrahim says:

      Masha alah aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay ee alaha hanoo siyaadiyo ayaan leeyahay markale ilaahey gadaal nooma naqo amin viv somali oo idil nabad kuwaara iyo inti muslim amin

    3. M.Farmajo says:

      Marka hore hadi an fikirkeyga ka dhibto somaliya ugu horen somaliya waxa jogo cadow saliibi ah oo ku so dulay dalka iyo dinta ok suasha meshatal aya ah gaal iyo muslim nabadi ma dhexmarikarta alle aya qurankisa nogu shegay in galada in ad dishin melkasta ad ku aragtan ma allanbenina oo galada dhahna nabad ayey no kenen maya walahi gaal marnaba naabadada ka shaqen mayo ee runta ha la shego

    4. Maxamuud geesey says:

      Wadankeena cadow majoogo allah hana qabto kuwa qaraxa nagu wada alow nabada noo soo carfaysa noo rumee wadanka aan uwada ducayno hadii aan nahay somali by aqyaarta sharafta mudan

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media