Sheekadii Ayaan Daran Iyo Qeybtii Labaad :

Aqrisatay:3503

Waxaad ku so dhawataan Shakeedii Ayaan Daran qeyteedii Labaad oo Uu Qalinka U Qatay Qoraa Sare C/laahi Shiikh ( Hanti Wadaag)

Canab oo kacsan baa tagtay gurigii Asli,waxayna u sheegtay wixii qabsaday, Asli oo qososhay, waxayna ku tiri “maxaa ka macna ah ma nin baad waayeeysaa.

Asli waxaa fikraddeeda ku soo dhacday, gabadhu waaba yartahaye maxaa badda gashey mey dugsigeeda wadato, Canab waxay usoo martay Asli in au gurigooda u raacdo, hase yeeshee Asli hooyadeed ayaa maalin joog aadday oo guriguna ciluu ahaa.

Canab oo laamiga tagsi Hodan geeya ku sugeysa baa waxaa loo joojiyay baabuur ay saaran yihiin labo inan oo midkood si wacan isku yaqiineen, Canab wey faraxday,”haye Cali”ayey tiri intii gaariga ay horay u fadhiisatay , Cali wuxuu u shegay inuu dhowr bilood raadinaayey , wuxuuna baray ninkii la socday oo magaciisa ahaa Caddaawe, markii cabbaar la kaftamayey oo loo dhawaday gurigii canab buu Cali yiri,”Canabey wali ma sidiii baa qaarta laguula horjogaa “, Intaanay jawaabin buu ku adkeeyay in caawa iyada iyo gabar saxiibteed ah isaga iyo caddaawe ay marti qaadaan.

Canab waxay tiri “anigu waa imanayaa, hase yeshee saxiibaday waa miskiin aan balwad lahayn, una maleyn maayo hadii ay isoo raacdo in ay faa’iido idiin leedahay”.

Caddaawe ayaa qoslay oo yiri” anigu waxan ka helaa gabdhaha masaakiinta ah oo aamuska badan bal adigu gacanteeda ku soo hubso aad aragtide sida aan u aqaano sida gabdhaha ugubka loo godlee”.

Canab baa Cali oo u hinqaday inuu jawaabo hadalkii ka dhifsatay oo tiri” oo ma cabsi galinaysaa gabadha”

“Xamar xisaab baa taal”, buu ku war ceshay caddaawe Calu oo mudo aamusnaa baa yiri:” Canabeey inta aad gabadha shaki ku jirta aad noo soo kaxeynaysid , maad mid la hubo noo noo soo keentid”, Intaan canab hadlin caddaawaa yiri”aniga gabadha aan tii Canab shhegtay ahayn marabo”.

Cali iyo Caddaawe baabuurkii bay mootaysteen, waxayna ku yiraahdeen canab”baay baay….waa inoo habeen danbe labada saac iyo halkii”.

Goor casar ah baa canab isa dul taagtay Asli oo hurudadda, markaa bay ku daartay raadiyohii oo ay ka socotay hees macaan oo magool qaadeysay, markay toostay bay ku booday labada daan ka dhunkatay oo ku tiri:”iska waran saxiib beryahan kuma arage” Sow anagii daraad wada joognay”,bay Asli ugu jawaabtay waxaana dhexnaray doodaan:

____ Asliyey…caawa sidaan filaayo, wax barnaamij ah malihid bay ila tahay.

____ Barnaamij caynkaas ah ma lihi, waxaan donayaa in aan soo booqdo habaryartey oo dagan karaan.

____ Oo maxaa karaan fogaantiisa kugu wada tagsiba heli meyside.

____ Koryeer baan ka racayaa Afar-irdood.

Canab oo ka baqeysa in hadalkeeda la maqlo baa intay ku soo dhawatay Asli ku tiri “saxiibey hadii aad ogaan lahayd caawa barnaamijka aan inoo hayo waa qosli lahayd” intaanay hadalkii dhameystiran baa Asli farxad la soo booday oo tiri,” ma riwaayad fiican baa socota?”  “maya riwayad ma maxay qiimo leedahay …waxa shalay subax la kulmay wiil aan aad isugu dheer nahay, muddo badana aan is goobaynay, caawa ayuuna labadeenaba na casuumay, wuxuuna wataa baabuur,wuxuuna ina geynayaa jungal”.

Asli dhugmo uma lahayn hadalkii Canab waxaa madaxeeda ku wareegayey , oo haddii saxiibkeed casumay mey aaddo, maxaa anigu dhexdooda ka sameynayaa….” Anigu ma socdo ee kaligaa aad”, baa Asli jawaab niyada ka soo Go’day ku tiri.

Canab Eraygaas aad bay uga naxday inkastoo aanay muujin, waxayna tiri,”walaal macaan Asli, jilbahaan ku heystaa ha i ceebayn… waan ku baryaaye ballan ayaan qaaday, maxaa ku jaban… aniga iyo saxiibkey waxaan garanay in aan ku casuunno…waxba ha ka baqin, waa loo baahan yahay in aan saxiibkaa barto adna keyga barato”.

Asli intii hadalkii Canab ay dhageysanaysay bay go’aan qaadatay iyadoo leh, mar hadii seddex qof aad tihiin wax xumaan ahi dhici mayaan ee saaxiibtaa raac yay kaa caroone.

____ waa tahay…meeqa saac baad balanta leedihiin?..

_____ Siddeeda caawa…waqtiga waa dhow yahay dhaqso u labiso.

Asli iyo canab oo dharkooda kii ugu bilicda samaa qaba baa sooo istagay hadalkii ay ballantu ahayd, oo ka soo horjeedka Dugsigii Dhagaxtuur ee Shinneemo Hodan gadaasheed ku yaal, wax yar kadib gaarigi baa yimid, markaasaa caddaawe yiri”ballantii waad oofiseen… siddeeddii oo gow ah,”Cali Baa yiri,” ina keena”

Intaas Ha Inoo Joogto Qeybtii Labaad Ee Sheekadii Hal Ku Dhigeedu Ahaa (Ayaan Daran ) Qiso Dhab Ah : Qoraga Buga C/laahi Shiikh (Hantiwadaag )

Qeybta Xigta waxa Soo Gudbin Donaa Maalinta Jimcaha Insha’Alah

Wixii Talo Iyo Tusalo Ah Nogu soo Dir Email:

Horyaalmedia@gamail.com

Www.horyaalmedia.com

Share

Barnaamijyada Horyaal Media