Shabaab oo Nin Beeraley ah Ku Toogtay Magaalada Baardheere

Aqrisatay:714

Ciidamo ka tirsan Kooxda Shabaab gaar ahaa kuwa loo yaqaan Amniyaadka ayaa Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ku toogtay Nin Beeraleey ah.

Dadka degan Magaalada Baardheere ayaa Warbaahinta Horyaalmedia.com u sheegay in ninkaan Beeralayda ah ay Kooxda Shabaab ku dileen deegaanka lagu magacaabo Helo Shiid oo 15-KM ka baxsan Baardheere.

Sidoo kale Wararka ayaa intaasi waxay ku darayaan in ninkaan loo dilay muran ku aadanaa amar kasoo baxay Kooxda Shabaab oo marxuumkan uu diidanaa kaasoo ahaa inaan la beeri karin Tubaakada ninkaasna loo dilay falkaas.
Kooxada Shabaab ayaa inta badan dila dadka ka horyimaada Amarkooda iyadoona Xukunka Kooxad Shabaab uu yahay dil.

Email: Horyaalmedia@live.com

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media