Saxaafada Ingariiska Iyo Wararka Manta Kala Iibsiga Suuqa Ciyaartoyda A Qoreen.y.

Aqrisatay:12567

Saxaafada Ingariiska ee dhanka Isboortiga ah oo tan ugu afka dheer caalamka ayaa inta badan waxa ay ka hadlaan wararka xanta ah ee la isla dhexmarayo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Maanta waxaan soo qaadan doonaa wararkii ugu waa weyn ee ay ka qoreen suuqa kala iibsiga:

Manchester United iyo  Manchester  City ayaa qarka u saaran inay waayaan ciyaaryahanka kooxda Athletic Bilbao  Javi Martinez oo 23 jir ah wuxuuna ku dhow yahay inuu ku biiro kooxda reer Jarmal ee Bayern Munich sida ay qoreyso Talksport.

Luka Modric  ayaa doonaya inuu ka tago kooxda Tottenham waxaana wakiiladiisu ay u sheegi doonaan gudoomiyaha Spurs Daniel Levy isbuuca soo socda. Manchester United, Real Madrid  iyo  Paris St-Germain ayaa lala xiriirinayaa ciyaaryahanka qadka dhexe uga ciyaara xulka Croatia sida ay qortay Daily Mirror.

Manchester United ayaa kor u qaaday xiisaha ay u  qabaan daafaca garabka uga ciyaara PSV Eindhoven Jetro Willems oo 18 jir ah ka dib markii ay sahansadeen ninka difaaca Dambe ka ciyaara intii uu kala qeyb gelaayey xulka Netherlands koobka Qaramada Yurub sida ay qoreyso Metro.

Chelsea, Tottenham iyo Liverpool  ayaa halgan ugu jira inay helaan weeraryahanka kooxda Malaga iyo xulka Venezuela Salomon Rondon oo 22 jir ah sida ay qortay Daily Star?

Everton ayaa isha ku heysa weeraryahanka kooxda Inter Milan  Luc Castaignos. Ninka reer Holland ayaana Lix kulan u saftay kooxda ku ciyaarta San Siro tan iyo markii uu kasoo tegay kooxda Feyenoord 2011kii sida ay qoreyso Talksport  .

 

Macalinka cusub ee kooxda Swansea City Michael Laudrup ayaa doonaya inuu iibkiisii ugu horeeyey ka dhigto xidiga xulka Denmark Michael Krohn-Dehli  oo 29 jir ah una ciyaara kooxda  Brondby sida ay qortay The sun .

Manchester City ayaa diyaar u ah inay balaariso qorshaheeda ay ku doonayaan kabtanka kooxda Arsenal Robin van Persie ka dib ka haritaankii goor hore ee Euro 2012 waxay doonayaan inay si rasmi ah u dalbadaan sida ay qoreyso The Telegraph.

Difaaca kooxda Liverpool Martin Skrtel oo 27 jir ah ayaa iska diidi doona xiisaha uga imaanaya Manchester City ka dib markii uu balanqaad ka helay macalinka cusub ee Reds Brendan Rodgers, kaasoo u balanqaaday in Liverpool ay gaarsiin doonto hamiga uu leeyahay sida ay qortay Liverpool Echo.

Ciyaaryahanka qadka dhexe uga ciyaara kooxda AS Rome  Daniele De Rossi oo 28 jir ah oo ay diiradu u saarneyd kooxda Manchester City ayaa qiray inay soo jiidatay kubada cagta ee laga ciyaaro Ingiriiska sida ay qoreyso Manchester Evening News

Macalinka kooxda Stoke City Tony Pulis ayaa tixgelinaaya inuu soo dhaqaajiyo ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Wolves Matt Jarvis sida ay qortay Stoke Sentinel.

 

Warar Xaqiiqaa Kala Soco Warbaahinta Horyaalmedia Isha Wararka:
Horyaalmedia@gmail.com
Www.horyaalmedioa.com

 

Quala Abdi Elmi.(Q C C)

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (3)

    1. Maxamad laki says:

      Waxan kagera liverpool aniga liverpool sixun ayan ujiclahay lakin nasib daru maheysatu difac aday aniga waxan jiclalahay liverpool kalinta kobad in ay gashu

    2. Osman sankus abdi says:

      Wan idin salamaye dhaman isxabta mel kasto ad jogtan waxan tageyra kooxda liverbool waxan jcelahaye kalinta kobad ineygasho insha allha waxan u rajeynaya guul bye bye




Barnaamijyada Horyaal Media