Monday, April 21st, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Sawiro: 16 Sannadood Ayaa Laga Joogaa Markii Le Professuer Wenger Uu Macalinimo U Qabtay Kooxda Arsenal.

Aqrisatay:5509

Maanta oo kale ayuu si rasmi ah hogaanka ugu qabatay tababare Arsene Wenger kooxda Arsenal 1996dii, inkastoo shaqadiisa loo magacaabay 30kii September oo shalay ku beegneyd.

16 sanno ka hor Arsene Wenger waxa uu waji cusub ku ahaa waqooyiga London isagoo bedelay Bruce Rioch, waxaana wargeyska London Evening Standard uu ku salaamay imaanshihiisa cinwaan weyn oo ay bogga hore soo dhigeen oo u qornaa sida tan: ‘ARSENE WHO?’ (Arsene yaa la yiraahdaa?).

Arsene Wenger waxa uu saaxiib dhow la ahaa gudoomiye ku xigeenkii hore ee Gunners David Dien kaasoo sii sadaaliyay 1989kii in Wenger uu mar uun qaban doono Arsenal iyo garoonkeedii waagaas Highbury.

“Waxaa iga dhaadhacsaneyd in Arsene Wenger uu noqon doono tababaraheena maalintii iigu horeysay ee aan la kulmay” ayuu David Dien yiri.

Laakiin 7 sanno ka dib markii ay kulmeen, islamarkaana Wenger uu guulo ku soo gaaray France iyo Japan, waxaana uu Le Professuer majaraha u qabtay Highbury.

16 sanno ka dib, Wenger waxa uu noqday mid ka mid ah tababarayaasha ugu fiican caalamka, ka dib markii uu kooxdiisa ku hogaamiyay seddex Premier League, afar FA Cup iyo xilli ciyaareedka lawada xusuusto ee ay kooxdiisa horyaalka ku qaaday iyadoo aan dhinaceeda dhulka loo dhigin.

Xilli ciyaareedkiisii ugu horeysay ee buuxa ahaana xilli ciyaareedkiisii labaad ee kooxda waxa uu Arsenal ku hogaamiyay labada koob ee Premier League iyo FA Cup, waana markii ugu horeysay taariikhda Arsenal ay sidaasi sameyso.

Waxaana uu kooxdiisa ciyaarsiiyay kubad waagaas dad badan ay ku tilmaamayeen inay ka timid caalam kale.

Shan koob kale ayaa u sii raacday ilaa iyo uu ka mid noqdo tababarayaasha adduunka laga texgeliyo.

Cidna ma beenin karto in Wenger uu yahay tababare kacaan ku sameeyay kubada cagta Ingariiska.

Qaarka Mid Ah Sawirada Xusuusta Ah Ee Laga Qabtay Le Professuer:

Isse Abdi Said.{Qoslaye}

Share
  • Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media