Thursday, April 17th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Safaaradda Soomaaliya ee koonfur Afrika oo ku guuleystay inay fasaxdo dad doonayay inay dib ugu laabtaan Soomaaliya+SAWIRO

Aqrisatay:1871

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa ku guuleystay inay fasaxdo dad doonayay inay dib ugu laabtaan dalkooda hooyo kuwaasi oo xayirnaa muddo ka badan sedex bilood kadib markii Waaxda Socdaalka ee dalka Koonfur Afrika joojisay,

Dadkani oo tiradooda gaaraysa boqolaal oo doonayay inay booqdaan
eheladooda ayaa furitaanka Safaaradda kadib waxaa si wadajir ah kulamo
u yeeshay Waaxda Socdaalka dalka Koonfur Afrika iyo Safiirka
Soomaaliya u fadhiya dalkani Sayid Xasan Shariif Cabdullaahi isagoo
Safiirka kala hadlay dowladda Koonfur Afrika in ay xayiraadda ka qaado
dadka doonaya inay dalkooda hooyo dib ugu laabtaan,

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Koonfur Afrika ayaa wadda dadaalo ku
aadan in gabi ahaanb xayiradda laga qaado Muwaadiniinta Soomaaliyeed
ee doonaya inay inay socdaalaan iyadoo tani ay noqonayso tallaabadii
ugu horeysay ee ay ku guuleysto Safaaradda waxaana la filayaa maalmaha
soo socda boqolaal Soomaali ah ee ku xayiran magaalooyina waaweyn ee
dalka koonfur Afrika ay u laabtaan dalkooda hooyo,

cvb mk pol Safiir Safiirka soomaaliya koonfur afrika

 

 

Share
  • Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media