Ronaldo: Hadii Aan Heysan Lahaa Borso Lacag Ka Buuxdo, Waxaan Sharad Ku Geli Lahaa In Portugal AmaSpain Ay Qaadeyso Euro 2012.

Aqrisatay:439

Cristiano Ronaldo ayaa aaminsan in Spain ay tahay xulka ugu cadcad ee ku guuleysan kara Euro 2012, lakiin waxa uu sidoo kale kalsooni ku qabaa in Portugal ay fursad u heysato koobka ka dhacaya Poland iyo Ukraine.

Xiddiga kooxda Real Madrid ayaa amaanay xulka difaacanaya koobka Euro, isagoo qaba inay leeyihiin tayada ay kaga soo kabsadaan xiddigaha ka maqan, ka hor inta uusan hadalkiisa raacin in Vincente del Bosque uu la soo shirtagi karo labo xul oo garoonka soo gasha oo u tartami karta koobka.

“Hadii aan heysan lahaa shandad ay lacag ka buuxdo, waxaana sharad ku geli lahaa in Portugal ama Spain ay qaadeyso Euro 2012. Rajo weyn ayaan ka qabaa fursadaheena, lakiin ka dib Portugal waxaan dooran lahaa Spain” ayuu yiri Ronaldo sida ay qortay Marca.

 

“Spain iyaga ayaa ugu cadcad inay ku guuleystaan Euro 2012. Waxa ay ka mid yihiin kooxaha ugu awooda badan ee fursada weyn u heysta inay final gaaraan”.

“[Carles] Puyol iyo [David] Villa si aad ah ayaa loo tabi doonaa lakiin kuwa kale ayaa buuxin doona booskooda oo shaqo fiican qaban doono sababtoo ah Spain waxa ay heystaa ciyaartoy aad u awood badan. [Vicente] del Bosque waxa uu garoonka la soo geli karaa labo xul oo koobka u tartami kara”.

 

Warar Xaqiiqaa Kala Soco Warbaahinta Horyaalmedia Isha Wararka:
Horyaalmedia@gmail.com
Www.horyaalmedioa.com

Mustafa AbdiKadir  Adan.(mustafa shoolah)

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media