Robin Van Persie. Oo Go’aansandoona Mustaqbalkiisa.

Aqrisatay:999

Arsene Wenger ayaa wadahadalo toos ah la geli doona Robin van Persie isbuucaan iyadoo Arsenal ay dadaal weyn ugu jirto inay ceshtaan kabtankooda.

Van Persie ayaa ku maqan fasax ka dib markii xulkiisa si dhaqso ah looga soo diray Euro 2012, lakiin wargeyska Daily Mail ayaa ogaaday in kabtanka Gunners la filayo inuu taleefan kala hadlo tababarihiisa maalmaha soo socda.

Wenger ayaa doonaya inuu wadahadal toos ah la yeesho kabtankiisa, iyadoo aysan soo dhexgaleynin wakiiladiisa.

Wadahadaladan ayaa la filayaa inay muhim u noqdaan hadii uu Van Persie mustaqbal dheer ku leeyahay kooxda Arsenal iyo hadii kale.

Van Persie ayaa weli ka caga jiidaya inuu saxiixo heshiis seddex sanno ah oo uu ku qaadanayo 130 kun ginni isbuucii, taasoo ay sii dheer tahay 5 milyan ginni oo gacanta loo gelin doono hadii uu heshiiska saxiixo.

 

Juventus ayaa sameysay dalabkeedii ugu horeeyay, iyagoo ciyaaryahanka ku dalbaday 8 milyan ginni taasoo Arsenal ay hore ka soo diiday.

Kooxda ka dhisan Serie A ayaa la filayaa inay la soo laabato dalab kale oo ku aadan weeraryahanka, lakiin waxa ay doonayaan inay ugu badnaan ay bixiyaan 12 milyan ginni madaama ciyaaryahanka uu da’ yahay islamarkaana qandaraaskiisa Arsenal ay uga hartay kaliya 12 bilood.

Manchester City ayaa sidoo kale isku diyaarineysa inay u dhaqaaqeedii ugu horeysay sameyso isbuucaan.

 

Abdullahi Mohamed Abdinoor [tirig birig]

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media