Ra’iisul wasaare Saacid oo Booqday isbitaalka Madiina
Aqrisatay:751Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid, oo ay wehliyaan qaar kamid ah golihiisa Wasiirada ayaa booqasho ku tagay isbitaalka weyn ee madiina kasoo ay ku jiraan bukaano.
Saacid ayaa waxa booqashiisa Madiina ku wehliyay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, Wasiirka Gaashandhigga, Wasiirka Warfaafinta, Taliyaha Ciidanka Nabad Sugida iyo saraakiil kale .
Sidoo kale Ra’iisul wasaare Cabdi Faarax Shirdoon ayaa waxa uu mid mid u salaamay intabadan bukaadana ku jira Isbitalka qeybihiisa kala duwan, isagoona kala sheekaysaty sida ay tahay xaaladooda waxa uuna balan qaaday inuu caawin doona bukaanada ku jira isbitaal madiina
Ugu danbeyntii Ra’iisul wasaaraha ayaa hoosta ka xaqiiqay in xukuumadiisa ay sida ugu dhaqsiyaha badan wax uga qaban doonto daruufaha ka jira Isbitalka, ayna ka qeyb qaadan doonto hormarintiisa.
Share





















