Rabshado Dad Badan Ay Ku Dhinteen oo Ka Dhacay Magaalada Hargeysa
Aqrisatay:1342
Rabshado Qasaaro badan geystay ayaa laga soo sheegayaa inay ka dhaceen Magaalada Hargeysa iyadoona Rabshadahaan ay ka dambeeyay Kadib Markii Lagu Dhawaaqay natiijada doorashadii ka dhacday Somaaliland.
Ilaa inta la ogyahay afar qof ayaa ku dhintay rabshadahaan halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas kabadan, Waxaana Warbaahinta Horyaalmedia.com loo xaqiijiayay in dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmayba lagu riday rasaas nool nool.
Sidoo kale Rabshadahaan ayaa waxa ay ka dhaceen Xaafadaha kala ah Axmed Dhagax ee Koonfurta Hargeysa Iyo Iftin , New Hargeysa iyadoona dadki ku dhaawacmay rabshadahaan lagu dabiibayo Isbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa.
Xaalada Magaalada Hargeysa ayaa haatan ah mi degan kadib markii ay Ciidamadda Booliiska ay rasaas ku kala ceyriyeen dadkii Rabshadaha waday iyadoona Rabshadahan ay sameeyeen Taageeryaasha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor.
Ugu Danbeyn inta ay rabshadahaan socdeen ayaa Xaafado kamid Hargeysa waxa ka socday dabaal degyo ay sameynayaan taageerayaasha dadkii xildhibaanimada ku soo baxay
Email: Horyaalmedia@live.com
Share






















Waxan ku farax sanahay in qilaf ka dex daco somali lin wayo mu carad ayan ku ahay cml