Ra’isul Wasaarahaasha Kenya Iyo Soomaaliya Oo Kala Saxiixday Hashiis Ka Kooban 11 Qodob

Aqrisatay:433

Waxaa goordhow lasoo gaba gabeeyey kulankii magaalada Nairobi uga socday Raysal wasaarayaasha Soomaaliya iyo Kenya Dr/wali Maxamed Cali Gaas iyo Railo Odinga.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah isla markaana socday muddo saacaddo ah ayaa waxaa labada dhinac isku afgarteen heshiis ka kooban 20-qodob.

Qaar kamid qodobada lagu heshiiyey ayaa dhigaaya in hawlgalka ay Ciidamada Kenya ka wadaan Soomaaliya ay mar kasta uga dambeeyaan ama ay hor kacaan Ciidaamda Dawladda KMG ah ee lagu soo tababaray Kenya iyadoo Ciidamada Kenya ay gelaayaan safka dambe.

Sidoo kale qodobada muhiimka ah ayaa waxaa kamid ah in Dawladda Kenya ay hubiso goobaha ay weerayso si looga fogaado khasaare soo gaara dadka rayidka ah sidii tii shalay ka dhacday degmada Jilib ee gobolka Jubadda Dhexe.

Sidoo kale waxaa kamid ahaa qodobada ugu muhiimsan heshiiska ay wada gaareen Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya in dhulka Jubbooyinka marka laga saaro Al shabaab loo sameeyo maamul ay soo doortaan dadka deegaanka kaasi oo ay kor ka maamusho Dawladda KMG ah.

Qodobkaan ayaa meesha ka saaraaya tuhun laga qabay in Dawladda Kenya ay gacanta u gelinayso Jubadda Jubbooyinka maamulka Azania oo si gaar ah ugu adeegaaya ama ka shaqaynaaya danaheeda gaarka ah.

Raysal wasaaraha Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa madasha shirka ka sheegay in meesha laga saaray mad madowgii maal mahii lasoo dhaafay soo kala dhexgalay labada dhinac een ku aadana hawlgalka Kenya ee Soomaaliya.

Sidoo kale Raysal wasaare Gaas ayaa beeniyey in uu jiro khilaaf arrintaan ku aadan soo kala dhexgalay isaga iyo Madaxweynaha waxaana uu sheegay in heshiiskaan uu wax badan kala socdo Madaxweyne Shariif.

Heshiiskaan ka kooban 20-ka qodob ayaa waxaa u saxiixay Dawladda KMG ah Raysal wasaare Gaas, sidoo kale Dawladda Kenya ayaa waxaa u saxiixay Raysal wasaaraha Kenya Raila Odinga.

Maal mahii lasoo dhaafay ayaa waxaa jiray hadalo is khilaafsan oo kasoo baxaaya madaxda Dawladda KMG ah kaasi oo ku aadan hawlgalka ay Ciidamada Kenya ka wadaan Soomaaliya, lama iga sida uu heshiiskaanm uga hadli doono Madaxweynaha Dawladda KMG ah oo horay uga soo horjeestay hawlgalka Kenya ee Soomaaliya.

www.Horyaalmedia.com

Email:Horyaalmedia@gmail.com

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media