Qarax Sababay Dhimasho Iyo Dhawac Oo ka Dhacay Magalada Gaalkacyo:
Aqrisatay:621
Qarax oo Geystay Qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa maanta galinki hore uu ka dhacay magaalada galkacyo ee xaruunta Gobolka Mudug .
Miinada qaraxday ayaa ahayd mid uu sitey nin ay xalay ciidamada madaniga ah ee xaafadda Garsoor ilaaliyaa dileen kadib markii ay ka shekiyeen.
Ninkan oo la toogtey xalay saqdii dhexe wuxuu ka madax adaygay qaadashada amar ay ciidamadu ku siiyeen inuu istaago si ay u baaraan.
Goobta uu dilku ka dhacay islamarkaana meydka qofkii ay ilaalada xaafaddu dileen aan weli laga qaadin ayaa waxaa saaka soo gaarey ciidamo badan oo Boolis ah kuwaasoo baarayey qaabka uu dilku u dhacay.
Xilli qaar kamid ah ciidamadu ay ku howlan yihiin baaritaanka ayaa waxaa qarxay Miino loo badinayo inay ku jirtey bac meydka agtiisa ooleyd.
Waxaana ku geeriyoodey 3-qof oo 2 kamid ahi ay askar yihiin iyadoo in ka badan 15- qof oo rayid iyo askar isugu jiraana ay ku dhaawacmeen.
Goobta uu qaraxu ka dhacay oo ay xiligaas dad badani kusoo urureen waa xero qaxooti, waxaana saaka qorshuhu ahaa inay yimaadaan dad ajnebi ah oo ka tirsan shaqaalaha hay’adaha gargaarka.
Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu khasaaraha badnaa ee in muddo ah magaalada Gaalkacayo ka dhaca, wuxuuna kusoo beegmayaa xilli todobaadyadii u danbeeyey ammaanka magaalada Gaalkacayo uu ahaa mid aad u wanaagsan.
Warar Xaqiiqaa Kala Soco Warbaahinta Horyaalmedia Isha wararka:
Horyaalmedia@gmail.com
Www.horyaalmedia.com






















