Qarax Baladweyn Ka Dhacay manta Oo qasaaro Geestay

Aqrisatay:679

 

Qarax aad u xoogan ayaa maanta waxa uu ka dhacay magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaana qaraxaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac ah. Qaraxa ayaa lala beegsaday ciidamo kamid ah kuwa Itoobiya waxaana uu ahaa qarax Miino oo dhulka la geliyay iaydoona la qarxiyay kolnyo kamid ah ciidamada Itoobiya oo halkaasi maraayay.

3 ka mid ah ciidamada Itoobiya ayaa halkaa ku dhimatay iyadoona tiro intaa ka badan ay ku daawacmeen waxaana la sheegay in qarxa kadib ay ciidamada Itoobiya rasaas fureen.

Dhanka kale ciidamada Dowladda TFG ayaa qaraxa kadib waxay halkaasi ka sameeyeen howlgalo aad ay 4 qof ay kusoo qab qabteen kuwaa oo ay sheegeen in ay qaraxaa ka dambeeyeen.

 

Warar Xaqiiqa Kala Soco Warbaahinta Horyaalmedia Isha Wararka:
Horyaalmedia.com
horyaalmedia@gmail.com
Www.horyaalmedia.com

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media