Qarax ay Askar Badan Ku Dhinteen oo Ka Dhacay inta u Dhaxeysa Boosaaso iyo Galgala
Aqrisatay:686
Ciidamada Puntland ayaa qarax aad u xoogan waxa lagula eegtay inta u dhaxeysa Magaalada Boosaaso iyo Buuraha Gal-gala ee ee gobolka Bari.
Warar hoose oo ay heshay Warbaahinta Horyaalmedia ayaa sheegaya in qaraxaas uu ahaa bambo nooca dhulka lagu aaso ah islamarkaana lala beegsaday Ciidamada Maamulka Puntland.
Qasaaraha ka dhashay Qaraxaan ayaa la sheegay inuu gaarayo 10 askari oo ku geeriyootay halka tiro ku dhawacanta ay mareyso 9 oo dhamaantood ah Ciidamada Puntland.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland ayaa qaraxan ku eedeyay inay ka danbeyaan Kooxda Shabaab iyo Kooxo kale oo nabad diid ah.
Email. Horyaalmedia@live.com
Share





















