Qarax Aad u Xoogan oo Dhacay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi
Aqrisatay:669
Wararka Warbaahinta Horyaalmedia.com ka soo gaaraya xaafada Islii ee magaalada Nairobi ayaa sheegaya in qarax xoogan uu goordhow ka dhacay meel aan ka dheereyn garoonka diyaaradaha ciidamada cirka dalka Kenya.
Qaraxan oo lasoo sheegayo in loo adeegsaday Bambooyin ayaa ka dhacay meel aan ka dheereyn garoonka oo kuyaal xaafada ay Soomaalida ku badan tahay ee Islii gaar ahaan Section Three.
sidoo kale Ciidamo aad u fara badan ayaa la soo dhoobay goobta uu qaraxu ka dhacay iyagoona Howlgalo balaaran ka bilaabay, waxaana dadka soomaalida ah ee degan xaafada Islii gaar ahaan Section Three soo wajahday cabsi aad uxoogan
Wixii Warar ah ee ku soo kordhaa kala soco Wararkeena danbe in sha allaah
Email: Horyaalmedia@live.com
Share





















