Qaar Ka Mid Ah Dhawacyadii Tiyaatarka Muqdisho Oo Maanta loo Dhigayo Dalka Jabuuti(Magacyada Dhawacyada)

Aqrisatay:681

Wararka ka imaanaya Garoonka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas la geeyay qaar ka mid ah dhaawacyadii halista ahaa ee Qaraxii Tiyaatarka.

 

Dhaawacyadan oo dalka waxba looga qaban waayay ayaa lagu wadaa in loo Duuliyo dalka Jabuuti saacadaha soo socda Wxaaana ka mid Ah Dhawacyadaas Abwaan Caan Ah Oo Ka Mid Ahaa Dadkii Ku Dhawacmay Qaraxii Tiyaatarka Muqdisho Abwaan Axmadey Cabdi Gashaan.

 

Sidoo Kale Waxaa ka mid ah dhaawacyada la gaynayo dalka Jabuuti ee dalka waxba looga qaban waayay, Wariye Xamdi Maxamed Xasan (Xamdi Xiis) oo u shaqeysa Telefishinka Somali Chanel, Saciid Shuuriyaako oo Idaacada Shabella ka howl gala, Abwaan Axmadey Cabdi Gaashaan, iyo Deeqo oo iyana ka howl gasha Radio Muqdisho iyo TV-ga Qaranka.

 

Dhanka Kale Dowlada KMG ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa soo baxayay baaqyo loo Jeedinayo iyo Cabasho ka imaanaysa Wariyayaasha oo ku aadanaa in dhaawacooda loo Qaado dibada oo aan dalka waxba looga qaban karin.

 

Warar Xaqiiqaa Kala Soco Warbaahinta Horyaalmedia Isha Wararka:

Horyaalmedia@gmail.com

Www.Horyaalmedia.com

 

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media