Saturday, April 19th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Puntland oo Ka Cabsi Qabta Weeraro Kaga yimaada Al-Shabaab

Aqrisatay:1791

Col.Khaliif-Ciise-MudanDowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa si aad ah kaga cabsi qabta weeraro kaga yimaada Al-Shabaab-ka ksoo horjeeda dolwada Soomaaliya.
Isagoo lahadlayay saxaafada aya Wasiirka Amniga Puntland Khalif Ciise waxaa uu sheegay in Shabaab ay qorshaynayaan weeraro ay ka gaystaan gudaha Puntland.
‘Al-Shabaab qorshahooda waa in ay dhibaato gaystaan, waxa ay Soomaaliya ka sameeyeen wax lamid ah ayay doonayaan in ah halkana kasii wadaan’ayuu sheegay Masuulkan uhadlay Sarakiisha maamulka Puntland.
Waxaa uu sheegay in Shabaab badan oo kasoo tagay gobollada Koofureed ee Soomaaliya in ay gudaha ugaleen deegaanada Puntland ayna xili kasta gaysan karan weeraro dagaal.
“Puntland waa ay la dagaalami doontaa kuwa isku dayaya in ay qal qal geliyaan amaankeeda, waana ka howlgalnay arintas”ayuu si adag usheegay Sargaalkan.
Al-Shabaab ayaa dagaalo kula jira maamulka Puntland, waxaana weeraro ka gaysteen deegaanada Gal-Gala oo horey ay ugu sugnaayeen ciidamo taageersan Shabaab.

Share
  • Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media