Oohintu Xaq Uma Aha Dumarka Oo Kaliya.{Qebtii 2daa}

Aqrisatay:1433

Tusaale:calan iyo carro.

Calan:-carrooy waa amakaag iyo yaab dadku soo nabad maaha?

Carro:- calanoow waa nabad weeye dadku war dhibtootay calafna waa lacunaa.

Calan:- carrooy waxa dushaada

Dadka dhiigu la moodo

Dulmiga la falaayo

Duqoow iyo haween

Dan yar ay dhimanayso

Dunida waxa amakaage

Dood maxaa ka ogaatay?

Carro:- war calanoow

Dudheda waxa dhiigu waa fadhiyaa

Dagta hoose ma gaaro

Dag-dag baa arkeeye

Oohuntaa dadka liita

Ilmada dur duraysa

Dusha aan hakanaynin

Durba hoosta ii dhaafi

Danta aan ka hadlee

Dumar aan ka bilaabo

Dushayda iyagaa

Dulman oo ugu liita

Dana waad aragtaa

Tusaale yar kadib qormada sheekada aan ku bilaawo.

Awooda qabiilka iyo aqliga dhalinyarada.

Carro:- calanooow dhalinyaro soomaaliyeed wiilla iyo gabadho wixii qan gaaray ayaa u soo bacay sanadihii 1980-1991kii in ay arkaan awooda qabiilka taasoo  ahayd mid markaas bilaabatay oo aad loo xiisaynayay .

Dhalintyaro badan ayaan markaas garanayan Fahansanayana qabiilka argana awoodda qabiilka.

Mudo yar kadib ayaa waxaa soo faraday awoodii aduunka oo taas oo aan oran karo waxay ka daran tahay quwadda aduunka oo dhani aad ka uga argagaxo ee mukliyeerka, taasna waxaa waxaa dareemi kara qof kasta oodamiir leh oo soomaaliyeed mar uuu arko sida uu qabiilku ugalay dalkii iyo dadkii soomaaliyeed.

Qabiil hebal maxaad ugu dhalatay ayaa lagu dilay Aqoon yahayno soomaaliyeed, Wariyaal soomaaliyeed,Odayaal somaliyeed, fananiin somaliyeed, taqatiir somaliyeed, dumar iyo caruur somaliyeed, ayaga oo aan waxba galabsan, aniga oo soo kobi Karin horan kuu iri dushda  dhiiga waa fadhiyaa.

Awooda intaa leg waxaa  qabiilka sii yay dhalinyaro somaliyeed, aqliga ayaa ka noqday mid qabiilku ku adeegto kuna fusho danihiisa, taasna aniga ayaa marqati ka ah oo dushayda lagu falay, mafirisay isbiotalada iyo goobahay qabiilada ay dhawaca gestaan ayaa dhawaca ah oo yala jidadka magalooyinka wawee ayaa curyaana ah oo dadsa inta ciida ka hoos martay oo urkega ku jira anigaba ogee oo taas maqiyaasi kartid mana arki kartid adigdug calaoon ee aniga ayaa oo hoosteda iyo korkegaba ku hoydaan.

Calan:- carrooy waa runtaa dhamaan waa dhalinyaro somaliyeed laakiin

Carrooy adigaa wate ma ogtahay kuwii idhaliya ee inka I keenay ee I I  doortay calan somaliyeed inaan noqdo inay dhalinyaro somaliyeed ahaayeen, dhalinyaradaani maxena kaga duwan yihin dhalinyaradaas?

 

Lasoco Qeebta kale

W/Q: Abdiwali Abdiqadir Hassan.{kamli}

Waxaa  Erayada Is Kalahaa Dr C/fataax Warsame Maxamed.{bayle}

 

 

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media