Ogaysiis.Ogaysiis.Ogaysiis. Ogaysiis Muhiim ah: Oslo Norwey.?

Aqrisatay:1109

Waxaa dhamaan jaaliyada beelihii ku midoobay “Ururka Cadaalada iyo Horumarka” laga codsanayaa in ay ka soo qayb-galaan Shir khaas ah oo looga hadlayo dhamaystirka wajigii koowaad ee dhismaha ururka iyo u kuur gelida sidii looga gudbi lahaa wejigii labaad ee ururka.

Waxaa shirka qadka telefoonka hadalo ka soo jeedi doona Isimo, siyaasiyiin iyo aqoonyahano beelahaa ka soo jeeda oo ku kala nool dunida daafaheeda.

Waqtiga waa maalinta Axada ah 10.06.12, saacadu markey tahay: 17:00 galabnimo.

Waxaa shirka lagu qaban doonaa xafiiska Postada Grønland dusheeda oo ah goobtii lagu qabtay shirkii asaasida ururka.

Waxaa la idinka codsanaynaa in aad dhowrtaan waqtiga.

Wixii faah-faahin ah kala xariir:

Afhayeenka Ururka: Mursal Cali Aadan Mob: 96979501
Xubin golaha fulinta: Faadumo Xasan Mob: 91278868

Share

Barnaamijyada Horyaal Media