Friday, April 18th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Darawal Diiday inuu Bixiyo Lacago Baad ah oo La Toogtay

Aqrisatay:1441

Sida ay kuwaramayaan dadka ku dhaqan degmada Afgooye waxay sheegayaan in halkaasi ciidamo katirsan dawlada Somaliya ay saaka ku dileen nin darawal ahaa.

Mid ka mid ah darawalada gaadiidka ku kaxeeya gobollada Sh/hoose iyo Banaadir ayaa sheegay in ciidamo katirsan Dawlada ay dileen mid ka mid ah darawalada ka shaqeyn jiray halkaasi laguna magacaabi jiray allaha unaxariistee C/shakuur Xashi.

Darawalka la dilay ayaa waxa uu kasoo ambabaxay deegaanka Busleey isagoo kuso jeeday magaalada Muqdisho waxaana uu waday gaari nuuca caasiga loo yaqaano oo khudaarna ay ku rarneyd iyadoona ciidamadu ku dileen deegaanka Mareereey oo 5 km ujira magaalada Afgooye.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa ku waramaya in ciidamada dawlada ay udileen C/shakuur Xashi markii uu ka dhago adeegay bixinta lacago baad ah oo la weydiiyey taasi oo sababtay in meesha lagu toogto.

Qaar ka mid ah darawalada gaadiidka ku kaxeeya magaalada muqdisho ilaa gobolka Sh/hoose ayaa waxay sheegayaan in dhac iyo baarashada ay joogto ka dhigteen ciidamada dawlada inta udhaxeysa Afgooye ilaa marka cadeey waxaana ay sheegeen in mararka qaarkoodna dilal loogeysto.

Allaha unaxariistee C/shakuur Xashi oo ahaa darawal saaka ciidamada Dawlada ku dileen degmada Afgooye ayaa waxay sheegayaan in lagu aasi doono gudaha degmadaasi saacadaha soo socda sida eheladiisa ku warameen.

Xafiiska Wararka Horyaalmedia.com
Nairobi-Kenya
Horyaalmedia@live.com

Share
  • Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media