Nin Damcay In uu Iibsado Bada Soomaaliya Maanta Ma Loo Dooran kara Madaxweyne Qaran
Aqrisatay:947
Qoraalkaani aan ugu tala galnay in shacabka Soomaaliyeed, ugu fa,idayno raga doorashada madaxnimada agost shaqsiyaadka isku taagay ayaan maanta waxaa ku eegayna C/raxmaan C/shakuur iyo shacabka waxay ku xasuusan karan.
C/raxmaan c/shakuur ayaa wuxuu siyaada soomaaliya ka soo dhex muuqday sanadii 2006-dii xiligaas oo uu noqday midowgii maxakada islaamka, wuxuuna sannadii 2007-dii isbigii dib u xoraynta soomaaliya ka qabtay madax xidhiidhka caaliga ah iyo iskaashiga.
C/raxmaan c/shakuur warsame waxaa uu in muda ah ku noola dalka sudan halkaasi oo muda ah ku sugna wuxuuna sannadihii danbe deganaa dalka ingiriiska, wuxuuna c/raxmaan c/shakuur ahaa madaxii wada hadalada u qaabilsanaa dhankii xisbiga dib u xoraynta garabkii jabuuti waana shakhsigii qalinka ku duugay heshiiskii xisbigii (A R S) iyo dowladdii xaligaas dhexmaray.
Markii jagada madaxwaynanimada Soomaaliya loo caleemo saaray Mudane sh.shiriif sh.axmed janaayo 2009kii waxaa c/raxmaan c/shakuur warsame oo aad ay isugu dhawaan yeen madaxwayne shiriif loo magacaabay wasiirka qorshaynta qaranka iyo iskaashiga caalamiga ah, c/raxmaan c/shkuur ayaa bishii april 2009-kii saxeexay heshiiskii la magacbaxay isfahanka badda Soomaaliya iyo kenya, heshiiskaa oo canbaarayn badan uga timi c/raxmaan c/shakuur ka dib marki in bada Soomaaliya bar ka mid ah la iibsado heshiish ah u saxiixay dowlada dariska ah ee kenya.
C/raxmaan c/shakuur warsame ayaa sannadii 2010-kii iska casilay xilkii wasiirnimo ka dib marki uu la kulmay caqabado fara badan oo ugu timid isku daygiisa iibsashada bada Soomaliya oo u gacantiisa ku saxiixayay C/raxman cabdi shakuur.
Hadaba waxaa filaya in aad wax badan ka baratay Shaqsiyada C/raxmaan c/shakuur warsame iyo wixii lagu xasuusan karo.
Hadaba su,aasha waxay tahay nin nuucaasi ah ma u qlma in Madaxweynaha Mustaqbalka Soomaaliya, noqdo jawaabta waa idinka .
Hadaba la soco qaybaha kale ee shaqsiyaadka u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya, iyo waxa lagu xasuusta fiiro gaara qoraalkaani ma ahan mid aan ku dhaawacaya sharafta shaqsiyaad gaara balse waxaa ugu talo galay in aan shacabka ku baro shaqsiyaadka agost.
Warbxinta Bada ayada oo qoraala ah waxaa ka heli kartaa google.com
Fikirkaaga ku soo dir sahalmedia@gmail.com
By Nuur Ismail Sheikh
Wariye Dalkiisa Iyo Dadkiisa Jecel























Tuuganimo,Doqonimo iyo indha adeeg waa tanoo kale.
Maantana Maxaa damacsantahay in aad iibsato.???
Ma keenya ayaa bixinaysa lacagta aad isku sharaxayso ???
Waa yaab !
Marka hore waa in lagu horgeeyaa Maxkamad Somaaliyeed.
iSka ilow Jago Danbe .
Waa lagu bartay.