Natiijo Hordhaca ah oo Ka Soo Baxaysa Doorashadii Djibouti

Aqrisatay:1061

doorasaha jabuutiNatiijada hordhaca ah ee doorashada Djibouti ayaa lagu dhaawaqay. Natiijadan oo laga sii daayay Telefishinka iyo Radiyaha Djibouti ayaa lagu sheegay in Xibbiga Talada haya uu helay 49 % codadka dadku ay ka dhiibteen Magaalada Caasimdda ah ee Djibouti iyadoo mucaaradkuna ay heleen 47%.

Weli si rasmi ah loogmu dhawaaqin Natiijada Rasmiga ah, lamana shaacin sida ay dhinacyadu u kala heleen codadka gobolada kale ee Djibouti.

Waa markii ugu horeysay oo ay isbaheysiga Mucaaradku ka qeybqaataan doorashada 65ta xubnood ee noqonaya mudanayaasha baarlamanka Djibouti ee shanta sanadood ee soo socota.

inn ka badan 400 oo goobood ayay codkooda ka dhiibteen dad ka badan 174,000 oo qof, sida ay sheegeen saraakiisha guddiga doorashada dalka.

Ololaha doorashada ayaa ahaa kuwo ereyo kulul ay is dhaafsanayeen xisbiga talada haya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Ismaciil Cumar Gelle iyo isbahaysiga asxaabta mucaaradka.

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media