Thursday, April 24th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Nairobi Xuduntii NGO Yada Waa Sidee Xaaladeedu (Maqaal Xiiso Badan )

Aqrisatay:3991

Wadanka Kenya marka layiraahdo waa wadan ay soohdimo leeyihiin dalka soomaliya Marka loo Eego Jahooyin badan Bur burkii Dalk Kadibna Waxaa Magan Unoqoday Soomali Badan oo Qaxooti ah iyo Kuwa Ganacsata ah ba .

Caasimada Wadanka Kenya ee Nayrobi Waxa ay Hooy Unoqotay Waqti Aad udheer Qolyo loo Yaqaano NGO yo Kuwaa oo Afka Marsan Jiray Wax walba iyo Waxii Caalmaku ugu Deeqo Dalka Soomaliya .

Neyroobi Mar Waxa layiraahda Waa Maata Daryeel Marna Waxa layiraa Waa Xarun Shirqool oo Laga Soo Maleegi Jiray Dabinada Shacabka Soomaliyeed loo Dhigayo ..

Inta Badan Waxa ay Hooy Unoqotay Diblamaasiyiin Caalami ah iyo Kuwa Soomaaliyeed  Kuwaa oo Kenya Kaga hadla Un Xaaladaha Soomaaliya  Kanashaqeeya Sii Murjinta Colaadaha Ka Aloolsan Soomaliya Waxa ay Si Toos ah Xariira Diblamaasiyiintasi Ula Lahaayeen Hay,ado Shisheeye Kuwaa Mar Walba Maankoodu Uu Kadhax Guuxo Soomaaliya Sidey U ahaataa Dal Aan Kabixin Musuq Maasuq Iyo Wax Isdaba Marin iyo Kumeel Gaar Si loo Xalaashado Hantida Maguurtada Ah Ee Ku Asaan Dhulkeena Hooyo

Lacagaha Ugu Badan Waxa ay Dalka Kenya Gaar Ahaan Caasimada Dalkaasi ay Kasoo Gali Jireen Somalida Qurbaha Katimaad Kuwaa Oo laga Dhaadhiciyay Caasimadii Muqdisho Waa Bahalo Galeen lacagaha Ay Mudo Qurbaha  Ujoogeena Oo Uu Qabowgu Ugu Dhacayayna Waxa ay Kubaxshaan Hoteelada Neyroobi iyo Askar laaluush Doon Ah Halka Hadii ay  Dalkooda  Hooyo Joogi lahaayeen  Cidna Aysan Faraqa Kudhagteen .

Shaqada Ugu fudud Oo cid Walbaahi Somaliya Uga Bariiseyn Kartay Ayaa Ahayd NGO Xarunta Ugu Weyna NGO Walba Waxa ay Kutaalaa Neyroobi Halka Ayaana Somalida Iyo ajaanibta iswadataahi ay kasoo qeyl qelshaan iyagoo iska dhigayo dad wanaagsan oo waxa Uqabanayo Maatada Rasaastu Murjisay Cabsina Ay Beerka Gooysay  ,

Kenyaatigu Nabad Uu Kujoogo lacago Soomaaliyeedna Uu Raaxo Kucuno Iyaga Oo Waliba Soomalidu Ay fadhigooda Ugu Geyn Jireen Ayaa Waxa Ku Dhan Dhantay Macaanidi Lacagihii Shacabka Soomaliyeed Waxana Hunguri Kasoo Galay In Dhan Malatari Ay Soomaliya Fara Galin Ugu Soo Sameeyaan Si Ay Qeyb Uga Noqdaan Hawl Galka Ciidamo Badan Ee Afrikaan Ah Ay Kujogaan Soomaliya Ee Amisom Iyaga Oo Mar Marsiya Ahaan Ugu Soo Galay Waxan Cirib Tireynaa Xarakada Alshabaab ,

 

Hawlgalka Kenya Ee Soomaaliya Maxaa Dhaxal Ah Oo Ay Kenyaatigu Kahaeleen Ma Lacag Mise Qasaaro Iyo Hanti La,aan .

Soomalida Ayaa Kumaah Maahda (Balaayo Kaasii Jeeda la Iskuma Soo Jeedsho) Taa Ayaa Macna Ahaan Udhigmeysa Amisom Waxa Ay Hartan Adag Lagashay Xarakada Alshabab Oo Kasoo Horjeeda In Ciidamo Shisheeye Ay lugta Soo Dhigaan Dhulka Soomaaliyeed Halka Kenya Iyaga Oo nabadeysan Ay Dirir Kala Soo Horjeesteen Alshabaab Sohdinta labada Wadan Kala Qeybisana Gudaha Ugu Soo Talaabeen  .

Neyroobi Xaaladedu Sideey  Noqotay Markey Ciidamada Kenya Gaaren Magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose Hawl Galkuse Maxuu Fooshay?

Hawl Galka Waxa Uu Fooshay In Qaraxyo Xoogan Ay Gil Gilaan Gabi Ahaan Dhulka Kenya Qasaaro Dhimasho Iyo Mid Dhaawacna Uu Inta Badan Gaaro Dadka Kenyaatiga Ah Kuwaa Oo Horey Aan Umqal Qaraxyo Iyo Ismidaamin .

Waxa Neyroobi Oo Mudo Lacago Soomaliyeed Lagu Cunayay Si Sharci Daro Ah Ay Dhashay In NGO Waxii Shegatay Ay Kafirxadaan Oo Ay Soo Gaaran Caasimadii Dalkena Ee Muqdisho Oo Markii Horeba Xaq Ulahayd In Ladhax Keeno Waxii Loogu Tala Galay Abkeey Been Wax Kucune Maanta Waxay Kusugan Yihin Muqdisho,

Yeesan Wax Kasin Shacabka Lacagahasi Balse Waxa Gaaraya Lacagaha Maadama Dhanka Ganacsiga Aan Lugu Kala Maarmin Shacbka Dalkena Ayaana Haatan ka Faa,iideysanyo Lacagihii Lagu Cuni Jiray Neyroobi ,

Madaxda Haatan Dalka Hogaamiso Ayaa Lagu Tilmaamaa In Ay Ahaayeen Aabayaashii Dhalay NGO Yada  Maantana Waxa Ay Kajogaan Mansab Sare Dhaxalkii Dalkey Maanta Bulshadii Wax Kasiinayaan Dad Badan Oo Xumaan Un Looga Sheegi Jiray Soomaliya Ayaa Iminka Jooga Iyaga Oo Uriyaaqay Qudradeena Macaan Maantana Taagan Soomaliya Meelna Ugama Socono Ee Dhul Aan Dagno Hanaloo Raadsho Neyrobi Ayaa  Naba,asatee Oo Neecaaw Udgoon Iyo Shacab Wada Aamin Ah Uusan Joogin.Oo Aan Helnay Dhul Baraaro Iyo Barwaaqo Ah Oo An Dagno

Gunaanadka Maqaalkeygu Waxa Uu Yahay Neyroobi  Xuduntii NGO  Yada Waa Sidee Xaaladedu Taa Shaash Cidna Kama Saarno Oo Maanta Iyadaa Ka Amni Xun Soomaliya Oo Aan Barqo Nabad lagu Mushaaxin Xoriyadna Iskaba Daa Warkeeda Dhanka Kale dhuun weyninkii Kenyaatiga  dhaxal maxay uga heshay waxa kale kama aysan helin Balse Waxa Ay Amaal Gud Uga Heshay In Dalxiisayaashi Xataa Lacagaha Ay Kaheli Jirtay Maanta Ay Kaguureen Oo Ay Taagan Tahay Somaliya Maxaa Daris Iiga Dhigay Iyo Wal Wal Iyo Qasaaro Soo Food Saaray Shacbka Dalkaasi

Ugu Dambeyn Maanta Kenya Waxa Ay Taagan Tahay Waxii  luuqad Soomaali Ku Hadlo Dalkodii Dib Ha Ugu Laabteen Waayo Waa Isku Mid Oo Lacagahan Idin Ka heli Jiranay Waxa Ka Qaalisan Nolosheena Marka Amaan Nasiiya Qaxootigina Lagu Amaray In Xeryahoda Ay Jogaan Oo Dhaq Dhaqaaqa Ay Yareeyaan

 

W/Q Wariye  Maxamed Ciise xasan (koonaa)

Xafiiska Wararka Warbaahinta Horyaalmedia.com

Muqdisho_Soomaaliya

Horyaalmedia@live.com

Share
  • Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media