Musharaxa Dr Cusmaan Maxamed Gacal oo La Kulmay Sheikh Shariif sh, Muxudiin Celi (Sawiro)
Aqrisatay:1044
Musharax xilka madaxweyne ee Soomaaliya Dr. Cusmaan Maxamed Gacal ayaa xalay kulan Afur iyo Casho Sharaf ah la qaatay Sheikh Shariif Sh; Muxudiin Celi oo ka mid ah culumada Sida weyn loogu qadariyo Dalka Soomaaliya.Kulanka oo ahaa mid wadatashi ah ayaa lagu lafaguray xaaladaha ugu danbeeyey ee dalka iyo sidii loo samata baxin lahaa shacabka Soomaaliyeed,ee dhibka heestay mudadi ka danbaysay tan iyo markii aay bur burtay dowladda dhexe dalka ka talin jirtay.
Ugu horeyna waxaa goobta ka hadlay Sh, Shariif Sh, Muxudin Celi oo sheegay inuu si weyn u soo dhoweynayo aragtida Musharaxa ee ku aaddan in dalka la samata baxiyo, isaga oo na sheegay in loo baahnaa waqtiga haatan lagu gudo jiro in aqoonyahada Soomaaliyeed u istaagan wax u qabashada Dalkooda iyo dadkooda.
waxaa kalo idin kuugala dar daarmaya ayuu yiri Sheikh Shariif Sh, Muxudiin celi in hadalka ficil loo bedelo,Wuxuuna ugu mahad celieyey Musharax sida uu markasta isugu xilqaamo xal u helidda iyo midaynta jaaliyadaha Sooomaalida dalka dibadiisa oo lagu xasuusto intu ku ahaa gudoomiyaha jaaliyada Soomaalida, dalka talnaaniga Dr Cusmaan in wax badan u qabtay.
Ugu danbeyn Sh, Shariif Sheikh Muxudin Celi, ayaa Musharaxa duco iyo dar daaran iskuugu daray asagano kula dar daarmay in sidii Dr, Cusmaan horay loogu bartay ee umada Soomaaliyeed ugu sineed ku hogoomiyo hadii uu ku guulesto hamigiisa.
Dr. Cusmaan ayaa Munaasabado uu musharaxnimadiisa uu kaga dhawaaqay dalka Talyaaniga waxaa uu ku balan qaaday in hadii uu ku guuleysto madaxtinimada dalka uu wax ka qaban doono arrimaha bani’aadanimada, la dagaalanka musuq maasuqa iyo xiriirka Arrimaha dibada oo aqoon durugsan u leeyahay.
Share






















