Munaasabad Lagu Taageerayo Musharraxa Dr. Baadiyow oo Ka Dhacday Holland (Sawirro)?

Aqrisatay:767

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu soo dhoweynayo musharraxa madaxweynennimada dalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxman Maxamed Cabdullaahi (Baadiyow) ayaa waxaa lagu qabtay Hotel Green Park ee magaalada Den Haag ee dalka Netherland.

Munaasibadaan ayaa waxaa ka soo qeyb galay aqoonyahano,culimaa’udiin ganacsato,generaalo, Dhallinyaro iyo waliba Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dowladda KMG ee Soomaaliya, islamrakaana waxey si aad ah u soo dhaweeyeen in uu isku soo sharraxo xilka madaxtinnimo Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Baadiyow oo ay ku tilmaameen inuu yahay shaqsi leh aqoon diimeed iyo mid Maadiyaba.
Munaasabaddan ayaa ugu horreyn waxaa lagu daah furay aayaddo quraan ah, kadibna waxaa lagu xijiyaya filim ka hadlaya taariikhada musharaxa madaxweynenimadda u taagan oo ahaeyd halka uu ku soo wax bartay Dr: Baadiyow,shaqooyinkii uu soo qabtay iyo markii uu soo galay siyaasada oo aad isugu soo dhaweeyay shirar dib u heshiisiin ah, islamarkaana uu ka mid ahaa xubnahii ka qeyb galay shirkii carta, isagoo ka mid ahaa guddiga destuurka.
Munaasibadda dadkii ka soo qeybgalay ayaa u badnaa arday uu soo waxbaray Dr:Baadiyoow waqtiggii uu wax ka dhigayey Jaamacadda Muqdisho ayaa u sharaxay marti sharaftii ka soo qeyb gashay munaasibada lagu taageerayay Dr: Baadiyoow, waxeyna tilmaameen inay yahiin mirahii uu bulshadda ku soo kordhiyay, markii loo fiiriyo mustawahii waxbarasho uu la soo maray.
Dadkii ka soo qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa Dr: Cumar oo ka mid ahaa barayaashii Jaamacadda Muqdisho waxuuna sheegay in jaamacadda Muqdisho tusaalle wanaagsan u aheyd xiligaasi oo ay jireen labo kooxood oo kala ah qolo aheyd qaabka bur burinta oo aanan waxba ka naxin,halka qolada kalena ay aheyd kuwa u istaagay nooleeynta mu’asasooyinka dib loogu soo dhisayay ragbaa isku xilqaamay sidda Jaamacada Muqdisho oo aan aniga bari ka ahaa Dr: Baadiyoowna iyo dad kale oo qiimo weyn leh waxey ka mid aheyn ragii hogaanka adag u hayay halgankaasi.
Cabduqaadir Nuune oo ah aqoonyahan islamarkaana ah ganacsade, kana mid ah ganacsatada ugu caansan dalka ee Holland oo dadkii munaasibada ka hadlay ayaa sheegay inay Soomaaliya uu u biloowday wali cusub oo ah inay isa soo sharaxaan dad aqoon leh, ayn tahay arrinkaasi wax aad u wanaagsan oo umadda Soomaaliyeed miro dhal u leh.
Waxaa kale uu isnamadasha ka hadlay Dr: Abdalla Sanka oo si kooban uga hadlay mar xaladahii uu soo maray musharaxa u taagan xilka madaxtinimadda ee Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow, waxuuna sheegay inuu yahay shaqsi laysku haleen karro oo lagu aamini karro mustaqbalka umadda soomaaliyeed.
Cali waare oo ah gudoomiyaha jaaliyadda Amestardam ayaa goobta munaasabadda ka hadlay waxaana uu sheegay in uu ku boorinayo musharraxa in haddii uu ku guuleysto xilkaasi ay sugayaan caqabado badan oo waddanka ka jiraan waxa uuna ilaahay uga baryay in uu u fududeeyo xilkaasi.
Mas’uuliyiin fara badan oo goobta ka hadashay ayaa isku waafaqay in xilligaan Dr. Baadiyow uu yahay mid wax ka qaban kara dhibaatooyinka dhanka siyaasadeed iyo waliba mida dhaqaalaba ee waddanka uu la ciirciiraya, ayagoona ilaahay uga baryay in uu u fududeeyo xilkaasi haddii uu ku guuleysto, dhammaan dadkii  munaasabadda isugu yimid ayaa mar qura u istaagay markii lagu gab gabaddii la shiday heesta astaanta qaranka Soomaaliyeed, iyaddoo la arkayay qaar ka mid ah dadweynaha oo ay islmo ka socoto, astaanta qaranka kadib ayaa lagu soo gaba gabeeyay munaasibadii lagu taageerayay musharaxa DR: Baadiyoow.
Abdifitah Ali
Den Haad, Holland

 

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media