Saturday, April 19th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Maxaabiis Shabaab ah oo Ka Baxsaday Xabsi Ku yaal Magaalada Baydhabo

Aqrisatay:727

Maxaabiis Ka tirsan Kooxda Shabaab ayaa ka badsaday Xabsi Ku yaal Magaalada Baydhabo e Xarunta Gobolka Bay iyadoona maxaabistaan ay ka baxsadeen Xabsiga Dhexe e Baydhabo.
Tirada Maxaabiistan Ka Baxsatay xabsiga Dhexe ee Baydhabo ayaa la sheegay inay gaarayeen illaa toddobo ,waxana la xaqiijiyay inay maxaabiistaan ku xukunaayeen dil.

Sidoo kale Maxaabiista ayaa la sheegay inay xabsiga ka qoteen god, taasoo markii dambe ay ka duseen, ma cadda sababta keeentay in maxaabiistan ay ka baxsadaan xabsiga dhexe ee magaalada Baydhabo
Warar Hoose oo ay Heshay Warbaahinta Horyaalmedia.com ayaa tibaaxay in la xiray saraakiishii illaalineysay xabsiga dhexe ee Magaalada Baydhabo.
Ugu Danbey Saraakiisha Magaalada Baydhabo iyo kuwa gobalka ayaan illaa hadda ka hadlin maxaabiistan ka tirsanaa Al-Shabaab ee ka baxsaday xabsiga dhexe ee Magaalada Baydhabo.

Email: horyaalmedia@live.com

Share
  • One Response to Maxaabiis Shabaab ah oo Ka Baxsaday Xabsi Ku yaal Magaalada Baydhabo

    1. Hanad yare says:

      KUWA WAARDIYAHA AHAA AYAA QALADKA ISKA LEH, IYAGAANA KA MASUUL AH , ANIGA WAXAAN AMINSANAHAY INEY IYAGA WAX KA OGAAYEEN ARRINTAAS, IYAGA HALA XIRO, HANA LA TOOGTO, AL-SHABAAB WIXII GARAB SIIYO IN LA DILO WAA XAQ.

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media