Mashruuc Lagu Hormarinayo Garoonka Stadium Banaadir Oo Ka Socdo Garoonkaasi
Aqrisatay:1178
Mas,uula ka Socdo mid ka mid ah Shirkadaha ka Shaqeeyo dhismaha garoomada kubada cagta ee laga leeyahay dalka Holland ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho .
Ninkaan oo ah khbiir ku taqasusay dhismaha garoomada Kubadda cagta ayaa hataan ku sugan Garoonka Stadium Banaadir oo hataan uu ka socdo dhisme lagu maal gelinayo mashruuca FIFA ee {WIN IN AFRICA WITH AFRICA} kaasoo Soomaaliya ay ka mid tahay dalalkii ugu dambeeyay Africa eeka faa’iideysanaya.
Xoghayaha Guud ee Xiriirka Kubadda Cagta Cabdi Qani Saciid Carab ayaa sheegay in garoonka uu soo gaaray Khabiirkan dhinaca farsamada Goglista Cows-ka ah ee lagu magacaabo Lex Vander iyo madax ka socotay xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagt,isagoo soo injineeray qaabka loo goglayo cowskaasi.
Masuuliyiintii shalay kormeeray Garoonka Stadium Banaadir waxaa ka mid ahaa Xogahaya guud ee Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed Mudane Cabdi Qani Saciid Carab iyo xubin ka tirtsan guddiga fulinta ahna madaxa tartamada Cali Cabdi Maxamed (Shiine) iyagoona xariga k ajaray bilaabida Masruuca dhigista cows-ka garoonka.
Masruucaan ayaa qeyb ka ah howlaha dib u dhiska ee laga wado guud ahaan Magaalada Muqdisho,xili ay dagaalo ka socdeen mudo ku dhawaad 22 Sano ah.
Share





















