Mario Balotelli Oo U Sheegay Ciyaartoyda Xulka Ingariiska: Cidna Kama Baqo!

Aqrisatay:869

Mario Balotelli ayaa u sheegay asxaabtiisa Manchester City iyo ciyaartoyda kale ee xulka England inuusan jirin cid uu ka baqayo, iyadoo labada xul ay isku diyaarinayaan caawa kulan wareega 8da ah oo ka dhici doona Kiev.

Balotelli, oo la filayo inuu ku soo laabto line-upka Italy ayaa markii ugu horeysay si cad uga hadlay hamigiisa koobkaan, iyo qorshihiisa uu ku doonayo inuu ku soo gabagabeeyo riyada xulka England.

“Ciyaartoyda Manchester City oo dhan waa saaxiibadeey: James Milner, Joe Hart iyo Gareth Barry. Lakiin ma jiraa ciyaaryahan aan ka baqayo in badan? Cidna kama baqo aniga. Waxaan kaliya rajeynayaa inay noqoto ciyaar wanaagsan”.

“Lakiin waxaan sidoo kale doonayaa inaan badiyo. Xitaa hadii ay yihiin asxaabteyda waxaana rajeynayaa inay guuldareystaan”.

 

Balotelli ayaa nin saxafi ah uu weydiiyay hadii ay ku riyaaqi doonaan qaab ciyaareedkiisa kulanka caawa ama hadii uu ka careysiin doono waxaana uu ku jawaabay:

“Ma fahmin waxa aad ugala jeedo marka aad i weydiineyso inaan kaa farxin doono ama kaa careysiin doono” ayuu yiri Balotelli.

“Sida asxaabteyda xulka oo kale, waxaan doonayaa inaan qaab ciyaareed wanaagsan soo bandhigo, hadii aad ku farxeysa ama ku riyaaqeyso adiga ayay ku jirtaa. Uma maleeynayo in Mario uu u baahan yahay inuu qofna istustuso. Sababtoo ah dadka aniga i yaqaana waa ogyihiin waxa aan ahay. Uma baahni inaan isku soo bandhigo Ingariiska, Talyaaniga ama cidna”.

 

Warar Xaqiiqaa Kala Soco Warbaahinta Horyaalmedia Isha Wararka:
Horyaalmedia@gmail.com
Www.horyaalmedioa.com

Adna Mowliid Qoor Gaab

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media