MAREYKANKA OO WALAAC KAMUUJIYAY XAALADA MAGALADA XALAB
Aqrisatay:744
Dowladda Maraykanka ayaa sheegeysa in ay ka cabsi qabto in dowladda Syria ay u diyaar garoobeysa weerar ay ku qaado magaala madaxda labaad ee Xalab.
Wasaaradda Ariimaha Dibedda ee Maraykanka ayaa sheegtey in taangiayada dagaalka, diyaaradaha Helicoper-ka iyo hubka culus ee ku qul-qulaya magaladaasi ay astaan u tahay in Xalab ay halis ugu jirto weerar lixaad leh.
Gabar u hadashey wasaaradda Arrimaha Dibedda Victoria Nuland ayaa sheegtey in arrintanai micnaheeda tahay in qalalaasaha Syria uu si halis ah u sii kordhaya.
Ciidamada mucaaradka ee ku sugan Xalab ayaa bilaabey in ay aruursadaan hub iyo raashiin iyagoo u diyaar garoobaya weerarkaasi dowladda.
Victoria Nuland ayaa sheegtey in tani lagu micneyn karo dadaal ay dowladda Syria ee sii dhaceysa ugu jirta inay awoodda ku sii dheganaato.
Hasa ahaatee Nuland waxay sheegtey in Maraykanka uu dagaal ahaan faraha ula geli doonin Syria oo howshooda ay ku ekaan doonoto kaalmada aan militariga ahayn.
walaaca ayaa ku soo beegmaya xili mareykanka uu garan la.yahay sidii uu u mareyn lahaa xalada syria maadama codka qayaxan eey dowladaha rashia iyo chaina ku diideen in awood miltry loo adeeg sado xalada syria waxaa sura gal ah in aqalka cad u ka dhaadhiciyo dowladahaas in xaalada dib loo eego
W/D/ Cabdulqadir C/laahi maxamuud zuzu
cabdulqadirzuzu@hotmail.com
XAFIISKA SOUTH SUDAN
Share





















