Friday, April 25th, 2014
Photo of Byron Bay - one of Australia's best beaches!

Mali oo ka talaabsatay South Afrika una Gudubtay Semi-finalka Qaramada Afrika

Aqrisatay:2911

south africa vs maliXulka Mali ayaa u soo gudbay wareega afar dhamaadka koobka qaramada Afrika ka dib markii rigoore ay 3-1 kaga badiyeen xulka martida loo yahay ee South Afrika ka dib markii 120 daqiiqo ay ku kala bixi waayeen barbaro 1-1 ah.

Labada xul ee South Afrika iyo Mali ayaa kulan adag qoorta isagu galay, waxaana hogaanka ciyaarta u qabatay daqiiqadii 31aad xulka South Afrika Rantie ayaana shabaqa kubad ku hubsaday.

Qeybtii hore waxaa lagu kala nastay goolkaas ay hogaanka ku heysay xulka martigelinaya koobkaan ee South Afrika.

Mali ayaa soo kabsatay qeybtii labaad iyagoo goolka barbaraha helay daqiiqadii 58aad markii Seydou Keita uu u dhaliyay goolka barbaraha.

Ciyaarta ayaana 90kii daqiiqo ee loogu talo galay ku dhamaatay barbaro 1-1 ah, waxaana lagu daray 30 daqiiqo oo dheeri ah.

 

30kii daqiiqo ee dheeriga ahaana waxba iskama aysan bedelin natiijada, waxaana mar kale ay ku kala baxeen barbaro 1-1 ah taasoo keentay inay ku kala baxaan rigoore.

Waxaana rigoorada 3-1 ku badisay xulka Mali, iyadoo goolhayaha xulka Mali DIAKITE uu labo rigoore badbaadiyay isagoo ka qabtay Furman iyo Mahlangu halka rigoorada seddexaad ee South Afrika ay qasaariyeen uu banaanka marsiiyay Majoro.

Waxaana Mali ay xaqiijisatay booskooda semi-finalka koobka Qaramada Afrika iyagoo semi-finalka ku sugaya xulkii soo baxa habeen danbe Nigeria ama Ivory Coast.

Share
  • Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Barnaamijyada Horyaal Media