Madxweyne Shiikh Shariif Oo La Kulmay Dhigiisa Dalka Turkiga
Aqrisatay:472
Madaxweynaha dowlada KMG Ah ee soomaaliya shariif shiikh axmed ayaa la kulmay Dhigiisa Dalka Turkiga Cabdala Guul isaga oo kala hadlay xaalada dalka soomaaliya iyo sida dowlada Turkiga u garab taagan tahay Shacabka soomaaliyeed .
Madaxweynaha Dowlada KMG Ah ee soomaaliya Shariif Sh Axmed ayaa uga mahad celiyey dowlada Turkiga iyo shacabkeda taageerada ay Soomaaliya u fidiyeen.
Wuxuuna sheegay in abaalka walaaha Turkigu uu yahay mid aan marna la ilaawi doonin islamarkaana taariikhda Soomaaliya baal dahab ah ka galay.
Madaxweyne Shiriif Sh Axmed waxa kale oo uu sheegay in dowlada Turkigu ay tahay midda indhaha caalamaka kusoo jeedisey Soomaaliya, horumar badan oo hadda lagu talaabsadayna la’aanteed aan la geereen.
Dhinaca kale madaxweynaha Turkiga Abdallah Gul ayaa sheegay in Turkiga ay ka go’an tahay wixii awoodooda ah inay ku taageeraan Shacabka Soomaaliya ee mudada 20 ka sano ah dowlad la’aanta ahaa isla markaana ay garab tagan yihiin sidii ay dib ugu hanan laheed qarannimadeedii.
Madaxweynaha Turkiga Cabdala Gul ayaa ugu danbeyntii tilmaamay in xukuumaddiisu ay sii wadi doonto taageerada ay u fidiso Soomaaliya gaar ahaan dhinaca gargaarka bini aadminida iyo dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha Dalka Soomaaliya .
Dowladda Turkiga ayaa ah dowlada ugu horaysa wadamada Caalamka ee taagerada xoogan siisa dowlada KMG Ah iyo shacabka soomaaliyeed .
Warar Xaqiiqaa Kala Soco Warbaahinta Horyaalmedia Isha Wararka:
Horyaalmedia@gmail.com
Www.horyaalmedia.com






















