Macalinka Liverpool Brendan Rodgers Oo Sheegay Inuu Janis Labaad Siin Doono Joe Cole.
Aqrisatay:393
Tababaraha cusub ee Liverpool Brendan Rodgers ayaa shaaca ka qaaday inuu albaabka u furan yahay Joe Cole si uu mar kale isagu soo saaro Anfield.
30 jirkaan ayaa Reds ku soo biiray xagaagii 2010, ka dib markii uu la qabsan waayay xilli ciyaareedkiisii u horeeyay waxaa amah lagu siiyay xilli ciyaareedkii dhamaaday kooxda Lille.
Cole ayaa shaaciyay baahida uu u qabo inuu mar kale qiimihiisa ka cadeeyo Liverpool, waxaana tababare Rodgers uu diyaar u yahay inuu siiyo fursad labaad, isaga iyo ciyaartoy kale oo kursiga keydka fadhiyay in muddo ah.
“Waxaan la kulmay Joe Cole markii aan joogay Spain, waana hubaa inuu doonayo inuu soo laabto” ayuu Rodgers u sheegay website-ka kooxda Reds.
“Waa inaan qiimeyaa ciyaartoyda oo dhan. Ciyaartoyda sida Jose waa ciyaaryahano tayo leh. Waxa uu shaqo fiican u qabtay Lille, waxaana uu heystaa fursad uu ku soo laabto oo uu ku soo bandhigo tayadiisa”.
“Aniga ahaan, qof walba waa u waacusub. Kooxda waan ku cusubahay. Dabcan ciyaartoy badan ayaa garanayaa iyo tayadooda lakiin Joe Cole waa ciyaaryahan aan dooneyno inuu soo laabto oo uu soo bandhigo tayadiisa”.
“ Marka aan isku diyaarineyno xilli ciyaareedka ayaan go’aansan doonaa nooca ciyaaryahano ee kooxda u qalma iyo falsafada aan ku dabaqeyno”
Warar Xaqiiqaa Kala Soco Warbaahinta Horyaalmedia Isha Wararka:
Horyaalmedia@gmail.com
Www.horyaalmedioa.com
Quala Abdi Elmi.(Q C C)
Share





















