Macalinka Koxda PSG Carlo Ancelotti Oo Ku Biiray Tartanka Loogu Jiro Saxiixa Luka Modric.
Aqrisatay:377
Tababaraha kooxda Paris Saint-Germain Carlo Ancelotti ayaa ku soo biiray tartanka loogu jiro ciyaaryahanka khadka dhexe ee aan saldhigan Luka Modric, sida ay qortay jariirada Daily Mail.
Waxaana tababaraha Talyaaniga uu doonayaa inuu u soo bandhigo lacag ka badan lacagta ay ciyaaryahanka ku dooneyso Manchester United.
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Spurs ayaa doonayaa inuu ka tago xagaagan White Hart Lane isagoo doonayo inuu ciyaaro Champions League.
Manchester United ayaa ugu cadcad haatan tartanka ka dib markii kooxda Old Trafford ka dhisan loo sheegay inuu kubadsameeyaha ku faraxsanaan lahaa inuu u dhaqaaqo xilli ciyaareedka soo socda.
Lakiin Sir Alex Ferguson ayaa tartan la geli doona tababarihii hore ee Chelsea Ancelotti isagoo isku dayaya inuu ciyaaryahanka u soo xerogeliyo United.
Indha indheeyayaal ka socda PSG ayaa ciyaaryahanka daawanayay kulankii xulkiisa Croatia ay ka badiyeen habeenkii axada xulka Republic of Ireland, iyadoo kooxda Ligue 1 ka dhisan ay sarre u qaadeyso xiisaha ay u heyso ciyaaryahanka khadka dhexe.
Modric ayaa ku jira liiska ciyaartoyda ay dooneyso inay PSG la soo wareegto xagaagaan oo ay ku jiraan Ezequiel Lavezzi, Thiago Silva iyo Luis Suarez.
arar Xaqiiqaa Kala Soco Warbaahinta Horyaalmedia Isha Wararka:
Horyaalmedia@gmail.com
Www.horyaalmedioa.com
Farhiyo Abdillahi Sheikh(faynus sheikh)
Share






















