maamulka gobolka baay oo ka tacsiyadeeyey geeridii meles zenaawi hogaamiyihii ethiopia
Aqrisatay:600Maamulka gobolka Baay ayaa siweyn ugu tacsiyadeeyey geeridii ay ku timid ra’iisul wasaarihii dalka ethiopia Atto Meles zanawi.
Kulan deg deg ah oo ay isugu imaadeen saraakiisha ciidanka gobolka Baay oo uu shir gudoominayey Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Baay C/Fataax Maxamed Ibraahim Geesey ayaa waxaa loogu hadley Geeridii ku timid Hogaamiyahii Dalka Ethiopia Atto Meles zanawi.
Waxay si wada jir ah u qeexeen saraakiishaan iyo Madaxa Maamulka ugu Sareeya ee gobolka Baay iney Aad uga xun yihiin Geeridaan lama filaanka ah ee ku timid Atto Meles zanawi, waxayna uga tacsiyadeeyeen Dowlada ethiopia, Xukuumada, Baarlamaanka dalkaasi, Iyo Qoyskii Uu Ka Baxay Marxuumka.
Geesey Waxa uu yiri Meles Ma Ilaabi karno wuxuu ahaa nin aanu saaxiibo qaali aheyn guud ahaan wuxu ahaa nin aad ujecel inuu wanaaga la qeyb sado Bulshada Gobolada Koonfureed wuxuu kunjeer noo dhaamey Ciidamada kale ee ilaalada ujooga soomaaliya ee Amisom.
Share























