Maamul Cusub Oo Loo Magacabay Degmada Afmadow Ee Gobolka Jubada Hoose:

Aqrisatay:839

Warark imaanaya Magaaladda Afmadow ee gobolka Jubada Hoose oo ay shalay la wareegeen Ciidamada Kenya oo garab ka helaya kuwa Somali ah ayaa sheegaya in maamul looga dhawaaqay halkaas maanta.

Ururka Raaskambooni oo Ciidamada Dhawaan halkaas qabsaday Horuud u ahaa ayaa u magacaabay maamul Cusub uu halkaas yeesho Ka Dib Markii Kooxda Al-Shabaab Ay kala Waregeen .

Waxaa ay ku dhawaaqeen Gudoomiyaha degmada iyo Taliyaha dhanka amaanka magaaladda, waxaana loo magaacabay C/xakiin Cumar Xaaji in uu Noqdo Gudoomiyaha degmada Afmadow halka hogaanka Amniga ee degmada Afmadow loo magacaabay Aar Sheekh Cali oo ka tirsanaa sharaakiisha Raskamboni.

Warar Xaqiiqaa Kala Soco Warbaahinta Horyaalmedia Isha Wararka”
Horyaalmedia@gmail.com
Www.horyaalmedia.com

Share

  • Shabakada Horyaalmedia.com Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

    Fikradaha Akhristayaasha (0)




Barnaamijyada Horyaal Media